Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Booliska Oo Maanta Xilka La Wareegay.

0

Jeneraal-SaacidMuqdisho (AGGM): Taliyaha cusub ee ciidamada booliska ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya jeneraal Cabdixakiim Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta si rasmi ah xilka hoggaaminta ciidanka booliska ugala wareegay taliyihii hore Shariif Sheekhunaa Maye.

Taliyaha cusub ayaa sheegay in isbeddel weyn lagu samayn doono qaabka uu u shaqeeyo booliska, lana hormarin doono tayada aqooneed ee ciidanka dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo goobjoog ka ahaa xil wareejinta ayaa uga mahadceliyay taliyihii hore ee ciidanka booliska Soomaaliya Shariif Sheekhunaa Maye howshii uu qabtay muddadii uu xilka soo hayay.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Talaadadii toddobaadkii hore magacowday taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya jeneraal Saacid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com