QM Oo Sheegtay In 3,000 Oo Askari AMISOM Looga Dillay Soomaaliya Tan Iyo 2007.

0

Jan EliassonNew York (AGGM): Qaramada Midoobey ayaa shaaca ka qaaday in kumanaan askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM lagu dilay Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2007-dii, xilligaasoo uu bilowday howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika.
Kuxigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jan Elliasson ayaa sheegay in ilaa 3,000 askari oo Ciidamada AMISOM lagu dilay Soomaaliya, iyagoo ka qeyb qaadanayay sidii nabad uga dhalin lahaayeen.
Mr Elliasson ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters in askarta AMISOM ay naftooda u hureen, isagoo ka dhawaajiyay in tirada looga dilay Soomaaliya ay aad u badan tahay.
“Markii aad ogaato in 3,000 askari oo AMISOM ay ku dhinteen howl galka nabad ilaalinta Soomaaliya aad baa uga argagexeysaa”ayuu yiri Mr Elliasson oo xusay in askartan lagu dilay Soomaaliya intii uu socday howl galka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in askarta ugu badan ee ku dhintay howl galya ay yihiin ciidamada ka socda dalalka Uganda iyo Brundi, kuwaasoo ah ciidamadii ugu horeeyay ee Soomaaliya yimid sida uu yiri.
Tirada ciidamada AMISOM uga dhimatay howl galka Soomaaliya ayaa ah tiradii ugu badneyd ee la shaaciyo, iyadoo xilligan Soomaaliya ay kaga sugan yihiin ilaa 17,700 askari oo ka kala socda ilaa shan dowladood.
Ciidamada AMISOM ayaa ka caawiya dowladda Soomaaliya howl galka lagula jira Xarakada Al-Sabaab, kuwaasoo gacanta ku haya inta badan Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com