Ciidamada Dowladda Iyo AMISOM Oo Isku Fidiyay Deegaanno Ka Tirsan Gobollka Bay.

0

Ciidamada dowladda federalkaBaydhabo (AGGM): Wararka laga hellayo gobollka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa AMISOM isku fidiyeen deegaanno hore leh oo ay horay gacanta ugu hayeen maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.
Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka kooban AMISOM iyo kuwa dowladda La wareegay gacan ku heynta deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay oo horay fariisin ugu ahaa maleeshiyaadka Al-shabaab ee  ku sugan gobollka Bay.
La wareegitaanka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM deegaankaasi ayaa ka dambeysay kadib markii halkaasi uu ka dhacay iska hor’imaad khasaaro geystay oo dhex  maray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-shabaab.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha  rasmiga ah ee soo kala gaaray Labada dhinac hase ahaatee wararka aan Ka heleyno halka La isku Fara saaray ayaa sheegaya in  khasaaro uu ka dhashay dagaalka inkastoo aan la cayimin.
Wararku xiligan naga soo gaaraya deegaannka Awdiinle ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM ay haatan halkaasi si buuxda gacanta ugu hayaan halka xoogagii  Shabaab ee ku sugnaa deegaankana ay halkaa isaga tageen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com