Gen. Cade Muuse " Rag Baa La Soo Diray Waxa Ay Rabaan Inay Qarsoodi Sanaadiiq Wax Ku Shubaan".*Daawo + Akhriso Warsaxafadeedka*

0

cade muuse 1Qardho (AGGM): Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa maanta waxa uu shir jara’id ku qabtay magaalada Qardho, Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in uu intii uu ku sugnaa Puntland kulamo iyo shirar la qaatay odayaasha, isimada iyo waxgaradka, kulamadaan iyo shirarkaas ayaa waxa ay ku saleysnaayeen in aan Puntland ka dhicin qalalaaso, Gen. Cade ayaa waxa uu sheegay in dowladda iyo Ragga ku dhow dhow oo kulumo la yeeshay kalana hadlay sidii nabadda iyo xasiloonida Puntland loo sugi lahaa, wax walba oo qilaaf ahna wadahadal lagu dhameeyo islamrkaana meel wax leeysla dhigo.

Gen. Cadde Muuse ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay arrimaha Xisbiyada waxa uuna sheegay in aysan jirin Xisbiyo nidaam sharci ah ku yimid, qaar ayaaba ka kooban laba qof ama saddex qof iyo waxaan dhaamin, sidaa awgeed waa muhiim in la helo nidaam Dimoqraadi ah, waxaana hadda maqan nidaamkii sharciga ahaa ee Dimoqraadiyaddu ku istaagi lahayd, laakiin dadku u wada dhan yahay oo laga wada tashadey.

Sidoo kale Gen. Cade ayaa waxa uu sheegay in xaalada Puntland maalin walba ay sii xumaaneeyso caqlina ma,ahan anagaa sidaas niri hala qaato, gobolo badan waa guuxayaan, hadda magaalo walba Ragg baa loo soo diray waxa ay rabaan inay qarsoodi sanaadiiq wax ku shubaan, aniga waan ugga digayaa Puntland shicbigoow adinka haddaa rabtaan yeela, laakiin ninkii wax garad ahoow yuusasn yeelin qasab baan ku marinayaa xisbiyadaas.

Madaxweynihi hore ee maamulka Puntland Gen.Cadde Muuse ayaa dhexda u guntaday in xaalda cakiran ee Puntland lagu dhameeyo wada hadal, Gen Cade ayaa dhamaadkii sanadkii hore soo gaaray deegaanada Puntland, dadka sida aadka ah uga agdhaw Gen Cadde Muuse ayaa sheegay in uu ku raacsanaa dowladda muddo kororsiga sanadka ah ee khilaafku ka taagnaa, laakiin waxa ay sheegaan in Gen Cade uu kaga fikir duwan yahay nidaamka Xisbiyada qaabka ay ku waddo xukuumada Puntland.

cadde1

cadde2

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com