Maamulka Puntland Oo Isku Diyaarinaya Dagaal Ka Dhan Ah Maamulka Galmudug Iyo Nabadoon Ka Digay Dagaalkaas.

0

gaalkacyoGaalkacyo (AGGM): Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ayaa ka digay sii socoshada xiisad ka taagan Magaalada Gaalkacyo taasi oo udhaxeysa ciidamada maamulka Galmudug iyo sidoo kale kuwa Puntland.
Nabadoon cali dire oo kamid ah waxgaradka Galmudug ayaa waxa uu sheegay in xiisada ka dhex taagan maleeshiyaadka kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland ay salka ku hayso koontaroolka dhanka Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo oo ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay kusoo durkeen.

Nabadoonkaan ayaa sheegay in hadii la dagaalamo aysan wanaagsaneyn balse ay wanaagsan tahay in la xaliyo xiisad waliba oo taagan maadaama dagaal uusan faa’iido laheyn.

Waxgaradka kale ee deeganadaas kasoo jeeda ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ukala dabqaadista ciidamada isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

Waxaa jiray in habeenadii la soo dhaafay masuuliyiinta maamulada Galmudug iyo Puntland hadalo hanjabaad ah ay isku marinayeen warbaahinta waxaana Nabadoonka uu sheegay in wadaxaajood lagu dhameeyo xiisadaani kataagan Gaalkacyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com