Iftiin Xasan Baasto "Dhoofinta Dhuxusha Waxaa Raali Ka Ah Maamulka KMG Ah Ee Magaalada Kismaayo".

0

dhuxusha-kismaayoKismaayo (AGGM): Sarkaal ka tirsan saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaalada Magaalada Kismaayo iyo dhoofinta dhuxusha oo dib uga bilaabatay Magaaladaasi Kismaayo.

Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dhoofinta dhuxusha Kismaayo ay dib uga bilaabatay Dekada taasi oo horay dowladda iyo Golaha ammaanka ay u mamnuuceen.

Dhoofinta dhuxusha ayaa wuxuu sheegay inay raali ka yihiin maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo, waxaana uu xusay in markii ay isku dayeeen inay arrintaasi ka hortagaan ay dagaal kala kulmeen ganacsatada ay u dhoofeyso.

Ifitin Xasan Baasto ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo mamnuucday dhoofinta dhuxusha ay ka sugayaan war cad oo ay wax uga qabaneyso arrintaasi oo uu sheegay in deegaanka iyo dadka ay halis ku tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay uga hadlay in dhoofinta dhuxusha ay tahay mid mamnuuc ah maadaama deegaanka iyo dalka ay dhibaato ku tahay jarida dhirta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com