Dagaal Ciidamada Dowladda Iyo Falaagada Al Shabaab Ku Dhexmaray Degmada Garbahaarey Ee Gobollka Gedo.

0

Garbahaarey1Garbahaarey (AGGM): Kadib weerar ay maleeshiyada falaagada  Al-shabaab ku qaadeen fariisin magaalada Garbahaarey ee ku lahaayeen ciidamada dowladda ayaa waxaa halkaa ka bilaawday sida wararku sheegayaan iska horimaad fool ka fool ah oo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyada falaagada Al-shabaab.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah dagaallka ayaa qaatay mudo saacado ah, waxaana leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, inkastoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay dagaalka, hadana dadka deegaanka ayaa wal wal iyo cabsi soo wajahay intii dagaalka socday.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee  ku sugan magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday ciidamadooda oo ku sugnaa xaruntii hay’adda WFP ee magaalada Garbahaarey,  kuwasoo siweyn isaga caabiyay ayeey sheegeen weerarka uga yimid maleeshiyaadka falaagada Al-shabaab.
”Dagaal culus ayuu ahaa runtii ciidamada dowladda waa ay u jilib dhigeen kooxihii weerarka soo qaaday khasaare xoog lehna waa la gaarsiiyay,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda e degmada Gabahaarey.
Dhinaca kale wararka laga hellayo gobollka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyaadka falaagada Al-shabaab.
Saraakiisha ciidamada huwanta ee ku sugan Kismaayo, ayaa sheegay in ay madaafiic ugu jawaabeen kooxaha weerarka soo qaaday oo markii danbe dib loo caabiyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com