Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdigi Uu Horkacayay Oo Gaaray Magaalada London.

0

xasan diyaaradLondon (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha dowlada Federalka Soomaaliya  Xasan Shiiq Maxamuud iyo wafdigi uu hoggaaminayay ay gaareen magaalada London ee wadanka Britain halkaas oo ay kaga qeybgalayaan shirka lagu wado in uu ka furmo London Talaadada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudan Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in berito markiisii ugu horeysay inuu shirguddoomiyo kulan ay ka soo qeybgalayaan madax ka socoto konton wadan oo caalamka ah iyo hay’ada Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika.

Shirkan ayaa waxaa si wadajir ah u guddoominaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Britain David   Cameron iyadoo kulankana loogaga hadli doono sidii loo gargaari lahaa dowlada Soomaaliya kadib 22 sano oo ay noqotay dowlad rasmi ah oo uu caalamku aqoonsan yahay.

Qaar kamid ah Madaxda caalamka ayaa ka qeybgali doonta shirkan waxaana ka mid ah madaxda ka qeybgalaysa madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo markii ugu horeysay tegi doona magaalada London ee dalka Ingiriiska tan iyo markii uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee ka dhacday dalka Kenya.

Madaxweynaha JF Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay R/wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka arrimaha dibada, wasiirka difaaca, wasiiru dowlaha madaxtooyada, wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, wasiirka maaliyada iyo mas’uuliyiin kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com