Abwaankii Hantiyay Hibada Aqoonta Geela. W/Q. Xasan Bulxan Cali

0

Cabdi Galayax1(1)Waxaan jeclaan lahaa inaan dadweynaha usoo gudbiyo lakulankaygii aan la kulmay allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Galayax, waraysigii aan la yeeshay ee aan kaga qoray gabayadiisii geela iyo kuwii kale ee colaadaha ku saabsanaaba, inkasta oo uu abwaanku diiday kana afeeftay in la faafiyo gabayadiisa colaaddaha kusaabsanaa maadaama uu ka toobad keenay kana soo xajiyay.

Waxaan hadba in yar kasoo qaadan doonaa gabayadiisii geela ee uu caanka ku ahaa iyo aqoontii dheeraadka ahayd ee uu u lahaa.

Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Muxumed Aw-magan (Cabdi Galayax) oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya wuxuu ahaa Abwaan hibo ilaahay u siiyay curinta suugaanta noocyadeeda kala duwan.

Abwaanku wuxuu dhashay 1930kii, wuxuuna ku dhashay meel Ulasan waqooyi uga toosan, wuxuuna ku soo barbaaray Wardheer, Shilaabo, Galgaduud iyo dhulka Ceelgaab loo yaqaan.

Wuxuu abwaanku maansadii ugu horreeyay tiriyay markii uu qaan gaaray ee uu 15 sano jirsaday, sababta maansadaas uu u tiriyayna waxay ahayd kadib markii aabihiis Muxumed Aw-magan uu la dhacay sida wiilkiisu uu geela u dhaqaaleeyo ayuu go’aansaday inuu siiyo geel uu lee yahay oo isaga u gaar ah, sidii buuna yeelay.

Cabdi galayax geelaas la siiyay waxaa la dhihi jiray dir Shawrood oo ahaa dir uu isagu aad u jeclaa, nasiib darrase hashii lasiiyaba waa ka dhimataa, isagoo arrintaas layaabban ayuu tiriyay maansadiisii ugu horraysay wuxuuna yiri:-

Nimanyohow dadba yaabye, hashaan geela ka doorto

Durba waa dhimataayoo, da’ba ii dhali maysoo

Dirran waa laga waayay, ma wadaad digrigii iyo

Diinka eebbe yaqaanoo, daliishii marinaayaan

Dugsigeed uga seexday, ma nin soo dibjiryoodoo

Dag-dagaysan rafaadoo, hadba saas u dayaayaan

Caaneheed ka darbeeyoo, daawadey ku ag maalay

Ma maantii la dareeroo, dagaalkeed lagu jeedoo

Fulaygii dib ku dhuuntaan, dirirteed gali waayoo

Halkaasay igu diidday, mise waa dayacaayoo

Waanan daajin aqoonoo, ayadoo dandaryaysan

Hadba naaga la daah iyo, daawis baan u baxaa

Mise duul culimaahoo, aan la daarin waxoodaan

Dulmi jeer uga qaadoo, akhribaa daba jooga

Mise duunya la’aantu, damac eebahay weeyoo

Daain wawgu samara?.

Mar kalana isagoo isla geelaas ka le’anaaya ka hadlaya wuxuu yiri:-

Geelii dir showrood ahaa degelka loo qaadye

Dugaag iyo finbaa kala jabsaday dalawadiisiiye

Xaggeebaa dareen kaga jiraa dunida waa yaabe.

Abwaanku wuxuu ahaa ruux lexejeclada geelu ay aad ugu dheer tahay, hal la yiraahdo Aloos oo kasoo jeedda dir Shawrood oo abwaanku aad u jeclaa ayaa ka bakhtiday,  dabadeedna wuxuu dareemay calool xumo weyn iyo xasuus uu ku sheegayo inuusan weligiis illoobi doonin hashaas inta uu nool yahay, wuxuuna yiri:-

Inkastoon adduun badan tabcoon ariyo geel yeesho

Amaan aqallo waaweyn dhistoo ilixir lay daaho

Ama aabbe lay dhaho intaan oday ku weynaado

Aloosey mindhaa abadankay waana ma illoobo

 

Itaalkeeda iyo qoorta iyo sida abuurteeda

Afarteeda naas iyo waxay idil walwaalaysay

Islaameedka ruuxii arkaa yaab la amankaagye

Illaacay ku tureen kuwii aad u fiirsadaye

Iniguna indhaha beelayaal waa la eersadaye

Aloosey mindhaa abadankay waana la illoobo

 

Intifaac adduunyada waxaan lala ekaynaynin

Waxaan igarka kaa diidahayn dhiminna aameelka

Oo ku ogoloo sida ilmaha kuugu ololaysa

Asaxaabihii iyo ma ogi uumankii hore e

Aadanahakani muusan arag neef la ayniyehe

Aloosey mindhaa abadankay waana ma illoobo

 

Hadday aaranimadii horiyo ugub ku geeryooto

Amuu aar habeen dilo intay ibaha nuugaysay

Uurxumo daraadeed sidaan uma ekaadeene

Aloosey mindhaa abadankay waana ma illoobo

Allaha unaxariistee Abwaan Galayax wuxuu u go’ay dhaqaalaynta geela yaraantiisii, dhallinyaro isaga la da’aada ayaa waxay dheheen Cabdiyow annagu magaalada ayaan galaynaa oo aan ka shaqaysanaynaaye na raac iska daa geelaan iyo dhibkiisee, dabadeedna wuxuu ugu jawaabay gabaygaan:-

Kabraalaha shaqaaliyo intaan kuuli qoranaayo

Ama kaariyow laygu oran kirada baabuurka

Amaan kurus hudheel lagu qaliyo kibista shiilaayo

Amaan hilib kalaankalahayoo beerka karinaayo

Amaan koorar wada suuda iyo kooyo tolanaayo

Amaan socodka waa lagu kibriye kor isu qaadaayo

Amaan marada kaawiyad dabloo kulul ku jiidaayo

Alleylehe kuraasey adaan kaalin kuu dhigiye

Adigaan kaliishiyo gugii koorta kuu sidiye

Adaan subax walbaba kuu kallihin kaymo doog badane

Adigaan karuurkaaga dhamin kaydka caanaha e

Adigaa kafaayada adduun kabay naftaydiiye

Adigaa haddii kiis I galo kaalmo ii noqone

Caanaha geela sida la xaqiijiyay waxaa ku jira maaddooyin badan oo jirka beni-aadamka faa’iidooyin uleh, abwaanku wuxuu waaya aragnimo ahaan ku arkay arrintaas,  wuxuu kaloo xusay in caanuhu ay isaga u yihiin cuntada ugu qiimaha badan oo saddexda waqtiba isaga uu ku nool yahay,  sidoo kale wuxuu sheegay in geelu uu u joogo meesha ragga xiniinyuhu ay u joogaan, wuxuuna yiri:-

Caanaha qiyaas laga lisiyo qoran karuurkeeda

Ayuunbaa quraac iyo cashaba lagu qaboobaaye

Qandha iyo kulayl laguma oga qabata meel baase

Qabsinkiyo calooshoo dhanbay qaras u diidaane

Inkastoo qasnado looga furo qadana loo yeelo

Magaalada ma qaayibo ninkay qaawo korisaaye

Qaxwe kulul qudaar iyo bariis qamadi laysiiyo

Qaddac subaga weel lagu daroo qiiqu ololaayo

Qalbiga waxawga sii roon inaan dhay qur-quriyaaye

Kol haddaan malkuhu ii qotomin qulubtay laabtiiye

Qisa nimaan lahayn baan ogayn qiimahay tahaye

Wuxuu kusoo gabagabeeyay maadaama aanan gabaygoo dhan halkaan kusoo wada gudbin karin sidan:

Haddaan qarasha halkaas iigu jirin kuma qadiimeene

Qasdigaygu waa inaan iyada qararka daajaaye

Allow hayga qadin geelu waa qoorohoo kale e.

Abwaan Cabdi wuxuu geela ku hayn jiray dhulka doollo loo yaqaan ee dalsanka ah geeluna uu aadka u jecel yahay, wuxuu damcay inuu halkaas ka soo wareego oo uu dhulka marreexaanku dago usoo guuro markii ugu horraysay, arrintaas isagoo geela kula ballamaya wuxuu yiri:-

Wax dhanbaad gobaadey fadhiday godanka doolloode

Wax dhanbaad geyiga toomahaan gaana ku ahayde

Wax dhanbaad markii geel cashiyo gibillo weyneyde

Wax dhanbaan guntaydii huroo gacalkay moogaaye

Wax dhanbaan go’doon uga maqnaa gole marreexaane

Haddaan aniga geeriyi ihelin gugan la eegaayo

Meeshii gulaankiyo lahayd daranta gaagaaban

Oo gaalshireedluhu jiraan kuu gudbinayaaye

Ka googooso goonyaha wardheer geeddi baa tahaye.

Waxaan qormadaydan kusoo gaba-gabaynayaa gabaygii uu abwaanku ku galay tartanka gabayada geela ee akadeemiyaha fanka iyo dhaqanku uu qabtay 1975kii, kaasoo ay kasoo qayb galeen abwaanno farabadan, dhawr wareeg ka dibna waxaa isku soo haray saddex nin oo uu Galayax ka mid yahay, waxaa ka muuqda gabaygaas aqoonta dheer ee uu u leeyahay abwaanku geela cudurada ku dhaca, inta waxyaalood ee dhibta iyo daaweyntiisaba, gabaygii uu maalintaas ku qaaday lambarka koobaad qayb ka mid ah ayaan kusoo xirayaa qormadaydan, waana sidan:-

Anoo qayd malaykaana qaba maraba waa cayne

Iyo haatan madaxayga oo meela ka caddaaday

Intaasaan mareerta usidoon daba malluugnaaye

Waxdhanbaan mataanaha ka shubay tii macaan badane

Waxdhanbaan wadaan uga mel-melay ceelal maax kulule

Waxdhanbaan ku miray toomihii mulufka weynaaye

Waxdhanbaan habeenkoo mugdiya mayracoo rogaye

Waxdhanbaan magaalo u huroo meeriyoo dhaqaye

Waxdhanbaan haween uga maqnaa mehersigoodiiye

Waxdhanbaan maqaarrada usiday igarro muuq dheere

Waxdhabnaan u maray baarqabtii maydabta ahaaye

Waxdhanbaan islaan soo martiyay gaawahaw muraye

Waxdhanbaan masaar qaatayoo mooradow dhigaye

Madow iyo caddiin iyo guduud midabyadii geela

Macnihiisa oo idil sidaan anigu moodaayo

Kolay maxamed iyo raage tahay odayadii mayday

Waa muran nin kale oo iyiri kaaga muunsaniye

Mas qallacay mariid bahalohoo micida gaarsiiyay

Ragaad muday makaab qoriyohoo milil ku feexoobay

Muddin dhugato macaluul dhukaan moobahdiyo shiirka

Mud qaniinihii faranfarkiyo macal idaadowga

Mariiqdaar miskaha baaba’shiyo mayraqiyo dheegga

Shinbir madax maddane eedihii rogayay maankeeda

Maggaw celiye muruq naas ka gala iba maruubowga

Maraq gooya mayraxa qabtoo muruxu boogoobo

Lis maroorsan maalliin xun oo maalin iyo leyla

Marrey qumayo habar moorifloo madida cawryaysa

Marti samirtay miciyaan tol iyo maato laga seexday

Col muleenshay ood maratay iyo xero madoobaatay

Mulbis tuug masaafa u eryaha weligi maydhaama

Manoy xadaya tii lagu maqlana muran lasoo taagan

Libaax muuda mawtiga dhurwaa mirasha goobtaaga

Intaasoo mahtalakooyinaa mooga leedahaye

Masuubada allow nooga hay maralka geeleenna

 

haddii ilaahay idmo waxaa dhowaan soo bixi doona gabayada geela ee abwaanka buug aan ka sameeyay.

Wabillaahi tawfiiq.

Xasan Bulxan Cali
Email: bulxan105@hotmail.com
Darwin Australia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com