Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warqado Loogu Soo Diray Boostada Soomaaliya La Gudoonsiiyay.*Daawo Sawirada*

0

y3Muqdisho (AGGM):Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho kadib markii uu kasoo qeybgalay shir madaxeedka IGAD.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweyn kadib waxaa la guddoonsiiyay warqado loogu soo diray adeega Boostada Soomaaliya 22 sano kadib, wuxuuna madaxweynuhu ugu hambelyay wasiirka warfaafinta dib usoo celinta adeegii Boostada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa loo galbiyay madaxtooyada Soomaaliya isaga iyo xubnaha la socday.

y1

y3

y3

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com