Sayful Islaam Qadaafi Oo La Horgeeyay Maxkamada Liibiya.

0

sayful islamTripoli (AGGM): Sayful Islaam Qadaafi ayay dowladda Liibiya kusoo oogtay dacwad la xariirta inuu xog sir Qaran ah uu siiyey Qareen ka socotay Maxkamada caalamiga ah ee ICC oo ku taal dalka Holland.

Sayful Islaam ayey gacanta ku hayeen tan iyo bishii November 2011 maleeshiyo kasoo jeeda deegaanka Sintaan, waana markii ugu horeysay oo maxkamad lagu soo taago gudaha dalka Liibiya.

Sayful Islaam ayaa weli lagu soo oogin dacwado la xariira danbiyo Dagaal, waxaana horey u dooneysay maxkamada Caalamiga ah ee ICC balse dowlada Liibiya ayaa sheegtay inay iyadu dalkeeda ku maxkamadeyn doonto.

Sayful Islaam ayey hada maxkamada Liibiya kusoo oogtay inuu qoraalo sir Qaran ah uu siiyey haweenay lagu magacaabo Miranda Taylor oo ka socotay maxkamada caalamiga ah ee ICC, taasi oo ku booqatay dalka Liibiya.

Xaakimka Maxkamada ayaa shalay sheegay in maxkamada Sayful Islaam dib loo dhigi doono illaa 19ka bisha September, kadib markii Kooxda difaaca codsadeen in wakhti dheeraad ah lasiiyo.

Haweenaydan Mrs Taylor ayey horey dowlada Liibiya u xirtay wakhti kooban intii ay ku sugnayd dalka Liibiya, lamana sheegin sirta Qaran ee Sayful Islaam siiyey Qareenkan ka socda maxkamada ICC.

Miranda Taylor ayaa sheegtay in ficilada dowlada Liibiya ay muujineyso in Sayful Islaam uusan maxkamad cadaalad ah ku heli Karin gudaha Liibiya, balse loo baahan yahay in maxkamada lagu saaro magaalada The Hague ee dalka Holland oo ah xarunta maxkamada ICC.

Dowlada Liibiya ayaa sheegtay inay weli wado dacwad kale oo la xariirta danbiyo dagaal oo lagu soo oogi doono Sayful Islaam, dacwadaasi oo ay sheegeen inay hada diyaarinayaan xeer illaaliyaasha dalkaasi.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com