Gudiga Taakulaynta Ciidamada Oo Soo Dhaweyey Magacabista Taliyeyaasha Cusub.

0

suldaanka-300x225Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya ayaa wareegto kumagacaabay taliyaasha Nabadsugida & Booliska Soomaliyed,kadib latashiyo uu lasameyey Masuuliyiinta Arimahasi khuseeyaan, waxaana markiiba ansixiyey Golaha wasiirada.

Taliyeyaasha lamagacaabay ayaa lafilayaa inay waxbadan kabedeli doonaan hawsha Nabadgelyada Dalka,waxaana arintaas loo sababaynayaa inay yihiin shaqsiyad aqoon ciidan oo kufilan leh,mudana kudhex jiray Maamulka Dalka.

Waxaana si gaar ah usoo qadanaynaa General Bashiir Mohamed Jaamac(Bashir-Gobe)oo loo magacabay Taliyaha Nabadsugi Qaranka,waana shaqsi hawshaas loo magacabo midkii ugu haboonaa ayaan dhihi karnaa maxaa yeelay waa khabiir mudo badan kasoo shaqaynayey  arimaha nabadgelayada & kuwa adeega bulshada labadaba.

Taliye Bashiir ayaa looga fadhiyaa inuu boorka kajafo hay,adda Nabadsugida Qaranka oo ah Hay,ad muhiimad gaar ah uleh nabadgelyada dalka soomaliya,iyadoo laga dheregsan yahay in Mudooyinkii ugu danbeeyey ay gaabis ahaayen hawlaha hay,adani.

Bulshada kudhaqan gudaha dalka ayaa aad usoo dhaweyey Magacabista General  Bashiir waxayna arintaas kutilmaamen mid sare loogu qaaday amaanka dalka naxdinweyna kunoqotay Kooxaha kadagalamaya dalka soomaliya Alqaacida Alshabaab.

Gudoomiyaha Gudiga Taakulaynta Ciidamada Qaranka Marwo Baarliin Cadaawe ayaa dawladda Soomaaliya ugu baaqday in dadaal loogalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada qaranka qaybahooda kala duwan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxay hoosta kaxariiqday inay gudiga taakulayntu lagarab taagan yihiin ciidamada soomaliyed hiil & hoo labadaba, gudigan ayaana dhawaan kahawlgeli doona gudaha soomaliya.

Suldaan Ali Abdulahi Hassan
Afhayeenka Gudiga Taakulaynta

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com