Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top newsWaxaa ilaa shalay galinki dambe ka jiray magaalada Kismaayo isku dhacyo  koob kooban oo u dhexeeya Meleeshiyada beesha Gaaljecel iyo maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kuwaa oo uu isku dhacooda ka biloowday kadib marki ay maleeshiyada Raaskambooni xirteen nin u dhashay beesha Gaaljecel oo ay damceen in ay ku shaabadeeyaan in uu ka tirsan yahay Al Shabaab.

Isku dhacan shalay galinki dambe dhacay ayaa maleeshiyada beesha gaaljecel ku furteen 2 qori waxa ayna ku dhaawaceen 2 nin oo ka tirsanaa maleeshiyada Raaskambooni , halka iyagana laga dhaawacay 1 nin.

Sidoo kale xalay ayaa haddana waxaa ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada Via Afmadow isku dhac u dhexeeya labadan maleeshiyo beeleed waxaana maleeshiyada beesha Gaaljecel ay ka furteen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni 3 qori halka dhaawaca labada dhinacna uu ahaa 2 nin.

Ilaa hadda waxaa taag taagan xaalada iyo isku dhacyada u dhexeeya labadan maleeshiyo beeleed mana ay jiraan ilaa hadda cid kala dhexgashay amaba u kala dabqaadeysa waxaana suuragal ah in isku dhacooda uu ka qarxo mar sadexaad gudaha magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale waxaa jira shir hadda uga socda warshada Hilibka ee magaalada Kismaayo Col. Cabaas Gureey, saraakiisha ciidamada Kenya iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raskambooni ilaa haddana lama yaqaan waxa uu salka ku hayo amaba looga wada hadlayo shirkan socda.

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay la ciir ciireeysaa maleeshiyo beeleedyo aad u hubeeysan islamarkaana aad u kala fikir duwan, waxaana aad u soo noq noqanaya in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni cid walba oo ka soo horjeeda ay ku tilmaamayaan inay yihiin Al Shabaab taa oo sababi karta dagaal saf baalaran ah in lagu qaado maleeshiyo beeleedka Raaskambooni loogana saaro magaalada Kismaayo caasimada sadexaad ee dalka Soomaaliya.

Waxii kasoo kordha wararka magaalada Kismaayo kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com