Madaxweyne Xasan "Shirka Kismaayo Waa Sharci Darro.

0

xasan sheekh baarlamaankaMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hor hadlayey mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arin ay la wada sugayey in uu mar uun ka hadlo oo ku saabsan shirka ka soconaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose kaasoo lagu doonayo in dhidibada loogu taago maamul goboleed la magacbaxay Jubaland oo la doonayo in lagu mideeyo gobolada Jubada hoose,Jubada dhexe iyo Gedo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka Kismaayo ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneen dastuurka dalka u yaal,wuxuuna shaaca ka qaaday in shirkaasi uusan ahayn mid ay dani ugu jirto umada Soomaaliyeed,taa bedelkeedane uu u danaynayo alshabaabka dagaalka kula jira umada Soomaaliyeed sida uu tilmaamay.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ka baqdin qabo in shirkaasi uu iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed ee ku wada dhaqan goboladaas,isla markaane ay dowladu ka wal-walsan tahay inuu shirka Kismaayo xiligan ka socda uu dhaliyo dagaal dhexmara dadka ku wada dhaqan gobolada Jubooyinka oo ku kala aragti duwan shirka xiligan ka socda magaalada Kismaayo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku daray in dowladiisu ay u taagan tahay hirgalinta Dastuurka dalka,wuxuuna si cad u sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid aan waafaqsaneen Dastuurka dalka,sidaas datreedne uu yahay shir aan sax ahayn,dowladune aysan aqbali doonin natiijo walba oo kasoo baxda.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii ka dalbaday dadka ku hawlan shirka maamul u samaynta Jubaland ee ka socda magaalada Kismaayo iney shirkaasi ka weeciyaan habka uu xiligan ku socdo ee ah dhisida maamul goboleed,una bedelaan shir dib u heshiineed oo la iskugu keenayo beelaha wada daga goboladaas,kadibne dowladu ay la wareegto arimaha dhisida maamul goboleedkaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com