War Deg Deg Ah: Falaagada Al Shabaab Oo Duqeyn Iyo Dagaal Culus Kusoo Qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo .

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Duqeyn iyo dagaal culus uu goordhaw ku biloowday garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Warkan ayaa hadda nagasoo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaafiic culus ay kusoo dhacayso gudaha garoonka iyo hareerahiisa xilli ay ku suganaayeen sida la sheegay wafdi ka socda IGAD.

Waxaa illaa hadda la ogeeyn weeraykan lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo saacado ka hor ayay ahayd markii gacanta lagu dhigay haweeneey doonaysa inay isku qarxiso hoolka shirarka ee Jaamacada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in 10 madfac illaa iyo hadda ay ku dhaceen garoonka balse lama oga khasaaraha ka dhashay duqeymaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com