QM Oo Sheegtay Inay Dib U Dajin U Samaynayo Qaxooti Somaliyeed Oo Gaadhaya 80,000 Qooys.

0

ochaMuqdisho (AGGM): Qaramada midoobay ayaa sheegtay inay dib u dajin u samaynayso qaxooti Soomaliyeed oo dhan 80,000 qoys, kuwaas oo ku dhaqan gudaha somaliya gaar ahaan caasimada muqdisho.

Dad lagu qiyaasay 200,000 ilaa 360,000 ayaa dalka ka barakacay abaartii soo martay sanadihii ugu dambeeyay kuwaasi oo camiray in ka badan 500 kaamam waawayn ah  oo ku yaala magaalada muqdisho, iyadoo la eegayo hayada  isku xidhka arimaha bani aadanimada ee (OCHA).

Abaartii ka dhacday Soomaaliya sanadkii 2011 waxay ummada Soomaliyeed ku reebtay raad aad u fool xun oo aan marnaba la ilaawi karin.

Dad lagu qiyasay maliyiin ayaa gudaha iyo dibadaba u kala carayay oo ay abaartani sobob u ahayd, dadkan barakacayaasha ah ee ay qaramada midoobay qorshaynayso inay gar gaar u fidiso oo ay dib u dajiso, ayaa la rabaa in loo fududeeyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha bani,aadamaka sida u samaynta waxyaabo ay ku maareeyaan noloshooda, iyo waliba in loo sameeyo xarumo caafimaad iyo iskuulo wax ay ku bartaan.

Qorshahan dib u dajinta loogu samaynayo qaxootiga somaliyeed ayaa imanay iyadoo dhawaan warbixin si wada jir ah loo soo saaray lagu shaaciyay in dad lagu qiyaaso 26,000 ay ku leedeen abaartii dhacday sanadkii 2011 kii kuwaasi oo ay ku jireen caruur yar yar.

Dhanka kale qaramada midoobay ayaa sheegtay inay barakacayaasha somaliyeed ay kula firdheen gobolada dalka somaliya, waxanay intaas ku direen inay dadkaasi kala irdhoobay la iskugu keeni sida ugu dhakhsaha badan, isla markaan la siindoono dib u dajin iyo waxyaabaha nolosha bani,aadamka aasaasiga u ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com