Ciidamada Dowladda Oo Muqdisho Ka Sameeyay Howlgal Dad Badan Lagu Soo Qab-qabtay.

0

nabadsugidMuqdisho (AGGM): Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka hawlgal ballaaran ka sameeyey degmada Yaaqshid, waxaana qeyb ka ahaa howlgalkaas  ciidamada  nabadsugida, booliska dowlada Soomaaliya iyo ciidamada midowgga Africa AMISOM.
Hawlgalka oo ahaa mid baaxad weyn ayaa waxaa ay ciidamadu guri guri u galeen xaafadihii ay baaritaanada ka wadeen, waxayna gacanta kusoo dhigeen boqolaal ruux oo u badnaa dhalinyaro kuwaas oo aqaladooda laga soo qabqabtay waaberigii hore ee saaka.
Xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshid oo ahayd halka uu hawlgalka Baaxadiisu ka socday ayaa waxaa saaka hakad galay isu socodkii iyo ganacsigii xaafadaas.Ciidamada ayaa dadkii ay hawlgalka kusoo qabteen iskugu keenay Barxad ku taalla xaafada Carafaat,waxayna bilaabeen kala shaandheynta dadkii ay gacanta kusoo dhigeen.
Dhawaana ayeey aheyd markii rag hubeysan ay ku toogteen degmada Yaashiid ee gobolllka Banaaadir ku-xigeenkii guud ee garyaqaanka dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Sheekh Nuur Maalin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com