Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ay ka jiraan gudaha magaaladaasi dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid ciidanba.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in teer iyo shalay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xeeladeesan ay wadeen ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni kuna sameesanayeen fariisimo ciidamo oo ku yaal gudaha magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale maanta ayaa shir loogu soo gabagabeeyay garoonka diyaardaha magaalada Kimaayo odayaal tiradoodu gaareeyso 25 oo kasoo jeeda hal beel waxa ayna sheegeen inay isku afgarteen kulamadooda, waloow aysan ka qeeyb galin shirkaas beelaha ugu badan ee daga deegaanada Jubbooyinka.

Afhayeen u hadlay Odayaashan ayaa waxa uu sheegay in wax walba leeysku afgartay guulna uu ku soo dhamaaday shirkooda.

Daawo Sawirada Odoyaasha 25-ka ah.
shirka2

shirka

Sidoo kale waxaa jira in Qurbajoog fara badan oo ka yaacday dalka dibadiisa kuna sugnaa magaalada Kismaayo inay dhamaantood shandadahoodi ka xirxirteen magaalada Kismaayo kana daba wareegayaan sidii ay ku heli lahaayeen diyaraado ka qaada magaaladaasi kadib marki ay soo food saartay cabsi in dagaal ka qarxo magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo Fooshi magaalada Kismaayo ayaa waxaad mooda maalinba maalinta ka danbeysa inay Soo Dhawaaneeyso waxa ayna dadka isweediinayaan toolow maxeey dhali doontaa? balse haddaan ka sii hordhacno magaalada Kismaayo waxa ay dhaleysaa Wiil Calanka Soomaaliya Gacanta Ku Sita, Haduu Alle idmo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com