Col. Cabaas Ibraahin Gurey Oo Wareysi Uu Bixiyay Baaq Nabadeed Ugu Diray Bulshada Jubbooyinka.*Dhageyso*

0

col.-cabaasCeelwaaq (AGGM): Taliyaha ciidamada dowladda ee gobolada Jubbooyinka Col. Cabaas Ibraahin Gurey oo ay maanta shabakadda Allgedo asaga oo ku sugan tuulada Gariley ee gobolka Gedo wareysi dhinacyo badan taabanaya kula yeelatay qadka Teleefanka ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay nabad ku wada noolaashaha iyo adkeynta amniga gobolada Jubbooyinka.

Sargaalka oo dhawaan safar ku tagi doona magaalada Kismaayo ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ujeedada socdaalkiisu uu ka mid yahay sidii uu door shariif ah uga qaadan lahaa sidii la’isugu soo dhaweyn lahaa siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee ku sugan Kismaayo.

Col. Cabaas ayaa waxuu sheegay inuu si weyn uga biyo diidsan yahay hanaanka loo wado abaabulka maamul u dhisidda gobolada Jubbooyinka, sidaas awgeedna, loo baahan yahay in inta aan maamul la dhisin gobolada Jubbooyinka laga xoreeyo Al-shabaab, kaddibna odayaasha iyo waxgaradka Jubbooyinka la’isugu yeero si maamul loo dhan yahay loo dhisto.

Mar wax laga weydiiyay Col. Cabaas cabsida ay dadka ku dhaqan Jubbooyinka ka qabaan oo ah in ay goboladaas dib ugu soo noqdaan dagaalo la mid ah kuwii horay uga dhici jiray ayaa waxuu yiri “bulshada ku dhaqan Jubbooyinka waxaan leeyahay ha’is dajiyeen oo wal-walka ha’iska bixiyeen, waayo, ciidamada amniga ee Kismaayo ku sugan waa ciidamadoodii loogu tala galay in ay cadowga ka xoreeyaan Jubbooyinka ee ma ahan kuwo la rabo in ayaga wax loogu dhimo.”

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/04/cabaas_wareysi.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud”gmail.com