Suldaan Xuseen Xasan Naaleeye" Shirka Kismaayo Waxii Lagu Dhiso Ama Kasoo Baxa Ma Qaadaneeyno".

0

shirka kismaayoKismaayo (AGGM): Shir ay shalay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka beelaha daga Jubbooyinka, Beesha Sade, Beesha Hawiye, Beesha Digil iyo Mirifle, Beesha Direed iyo Beesha Jareerweyn ayaa waxa ay ka biyo diideen qaabka wax lagu wado.

Afhayeenka beelahan Suldaan Xuseen xasan Naaleeye oo u waramayay idaacada BBC ayaa waxa uu ku hanjabay in aysan marnaba qaadaneeyn waxii lagu dhiso shirka ama kasoo baxa, hadii aan wax laga badalin sida wax lagu wado.

Suldaan Xuseen ayaa waxa akale oo uu sheegay in dadka la afduubayo islamarkaana handadaad lagu hayo, waxa akle oo uu sheegay in dad dool ah maba aan u dhalan deegaanka ay doonayaan inay xoog ku qabsadaan.

Odayaasha dhaqanka ee  ka biyo diidan qaabka uu u dhacay shirka iyo qaabka uu weli hadda kusii socdo ayaa qaarkood waxa ay kamid ahaayeen ergooyinki la sheegay inay ku shirayeen Jaamacada Kismaayo.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/04/Voice_016.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com