Kaaliyihii Garyaqaan Axmed Sheekh Maalin Oo Xalay Kooxo Hubeysan Ku Dilleen Magaalada Muqdisho.

0

bastooladMuqdisho (AGGM): Kooxo sida la sheegay bastoolado ku hubeysnaa ayaa xalay fiidkiii degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ku toogatay kaaliyihii garyaqaanka guud ee dalka Axmed Sheekh Maalin xili uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaada Maqrib, sida ay sheegeen dad deegaanka ah.
Kooxaha weeraray marxuumka ayaa la sheegay in ay ku toogteen meel aan ka fogeyn hotelka Ramadaan isaga oo ku sii jeeda hoygiisa, kadib markii u salaada cisha ku soo tukaday masjidka ku yaala agagaarka hotel Ramadaan.
Kooxaha toogashada geystay ayaa markiiba goota isaga cararay, waxaana la sheegay in ay u soo gurmadeen meydka dadka degmada iyo xubno ka tirsan qoyskiisa oo goobta ka qaaday.
Ciidamada nabad-galyada dowladda federaalka Soomaaliya oo markiiba goobta gaaray ayaa la sheegayaa in aysan ku guuleysan qabashada raggii ka danbeeyay toogashada marxuum-ka, waxaana socda wali baaritaano ay wadaan ciidamada.
Toogashada garyaqaanka ayaa ku oo beegatay xili todobaadkii hore weerarkii lagu qaaday xarunta maxkamada gobollka Banaadir, sidoo kale ay ku dhinteen labo garyaqaan oo siweyn looga garanayay dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com