Ciidamada Dowladda Oo Al-shabaab Kala Wareegay Gacan Ku Heynta Deegaanka Garasweyn.

0

DagaalBaydhabo (AGGM):Ciidanka doowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay gelinkii danbe waxay si kedis ah gudaha ugu galeen, deegaanka “Garasweyn” oo qiyaastii 50km dhanka galbeed kaga began magaalada Xudur, ee xaruunta gobolka Bakool.

Majirin wax iska caabin ah oo ay Ciidanka doowlada kala kulmeen dagaalyahanada Al-shabaab oo iyaga halkaas maamulayay.

Ciidanka doowlada ee shalay gelinkii danbo qabsaday deegaanka “Garasweyn” ayaa la sheegay ineeysan jirin ciidamo kaloo kaabayay, maadama horay looga bartay in Ciidamada Ethiopia ay ku wehliyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dad goobjoog ah ayaa sheegay in ciidanku uu dilay saddex qof oo deegaankaas joogay, kuwaas oo ay ku tuhmeen inay gacan-saar la lahaayeen ururka Al-Shabab.

Deegaanka “Garasweyn” ayaa ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Xudur iyo Bardaale, waana deegaan Istiraatiiji ah oo isku xira labadaas magaalo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com