Taliska Millitariga Dowladda Federaalka Oo Ku Hanjabay Dagaal Ka Dhan Kooxda Al Shabaab.

0

TALIYEYAASHA CIIDANKAMuqdisho (AGGM): Taliska ciidamada millatiriga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan wajigii labaad dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab oo sida ay sheegeen ka sifeyn doonaan deegaannada ay wali kaga garsan yihiin gobollada Soomaaliya.
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya C/risaaq Khaliif Cilmi oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in lagu guuleystay sida uu hadalka u dhigay wajigii hore  ee dagaallka, haddana la soo dhameystiray qorshaha wajigii labaad ee dagaalka oo sida uu sheegay dhawaan lagu dhaqaaqi doono.
”Al-shabaab hadda waa laga guuleystay inta badan, waxa yar ee dhamanna dhawaan ayaa la soo afjari doonaa, waana diyaar qorshaha wajiga labaad ee dagaalka ka dhan-ka ah Al-shabaab,” ayuu yiri abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in marnaba la aqbali doonin sida uu hadalka u dhigay ragga caadeystay in ay dareyska ciidamada millitariga ku dhibaateeyaan dadka rayidka, isaga oo shegay in ay ula dagaallami doonaa sida Al-shabaab oo kale.
Dadka ku dhaqan deegaannada ay maamusho dowladda federaalka ayaa siweyn uga cabanaya dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmaan rag ku labisan dareyska ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com