Xildhibaanada Barlamanka Oo Su’aalo Weydiiye R/wasaare Saacid Kaddib Kulan Ay Maanta Ku Yeesheen Muqdisho.

0

saacid baarlamaanMuqdisho (AGGM): Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa su’aalo weydiinaye Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyadoo su’aalo weydiinta Ra’iisul Wasaraha ay goordhaweyd ku soo dhamaatay Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya oo horay udalbaday in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la horkeeno ayaa su’aalaha weydiinaye dhamaantood waxa ay ku qotomeen howlaha Xukuumadda ay qabato.Su’aalaha ugu badan ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya la weydiiyay ayaa waxaa kamid ah Arimaha ammaanka,heshiiskii Xukuumadda ay la gashay Dowladda Turkiga,dayactirka iskuulo ku yaalo Magaalada Muqdisho iyo arimo dhowr ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhamaan Su’aalaha si wanaagsan uga jawaabay iyadoo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ay ka qanceen halka qaar kalena aysan qancin oo ay sheegeen in Ra’iisul Wasaaraha su’aalaha qaar uu ka meermeerayo.

Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la xisaabtan waxa ay la daba taagan yihiin Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com