Shir Looga Hadllayo Amniga Qaarada Africa Oo Ka Furmaya Magaalada Bahar Dar Ee Dalka Itoobiya.

0

xasan-itoobiyo_6Bahar Dar (AGGM):Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi la socda oo gaaray magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya, ayaa lagu wadaa in uu halkaa uga qeyb-gallo shir looga hadllayo amniga qaarada Africa.

Madaxweynaha ayaa la fillayaa in uu ka qeyb-gallo shir ay ka soo qeyb-galli doonaan madaxda qaarada Africa oo looga hadlli doono amniga qaarada Africa sida ay warbaahinta u sheegeen ilo xog-ogaal ah ka ag-dhaw shirka.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax Sheekh C/qaadir.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa amniga Qaaradda Afrika iyo sidii looga hortagi lahaa amni-daradda ka taagan Qaaradda, gaar ahaan dalalka ay colaaduhu ka jiraan weli oo ay ku jirto Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu wadaa inuu qudbad ku saabsan arrimaha ammaanka Soomaaliya uu ka jeediyo shirka, kaasoo ay isugu iman doonaan madaxda dalalka Afrika iyo hay’adaha daneeyo amaanka.
Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay dalka Itoobiya ayaa tani waxay ka dhigaysaa markii saddexada oo uu dalkaas booqdo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ammaanka uu muhiimadda koowaad kaga jiro tiirarka siyaasadeed ee ay dowladdu ku shaqeynayso, iyadoo madaxda dowladdu ay ballanqaadeen inay wax ka qaban doonaan amni-darrada ka jirta dalka, gaar ahaan Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com