Garissa (AGGM):Booliiska magaalada Garissa ayaa howl gal ka wada magaalda ka dib markii eey xalay magaaldaas ka dhaceen weeraro dad ku dhinteen
weerarkan oo ka dhacay goob hotel ah ayaa waxaaku dhintay 6 qof halka sidoo kale eey ku dhaaawcmay 6 qof oo kale .
Maaha mid ku cusub dhacdooyiinka noocan ah magalaad Garissa iyadoona o eey bilooyiinkii ugu danbeeyay falal ka dhan ah amaanka ay ka dhacayeen magaalda garisaa ee xarunta gobolka woqooyi bari.
Garissa oo sanooyiin ka hor ahayd magaalada ugu amaanka wanaagsan bariga iyo bartamaha africa ayaa waxa ay imika noqotay meel aan amaaankeeda la isku halayn karin .
Hogaamiyaha aqlabiyada baarlamanka ahna xildhibaanka laga soo doorto Garissa township adan bare ducaale ayaa canbaareeyay dilka xalay ka dhacay magalada garissa .
Mr Ducaale ayaa sheegay in maanta uu la kulmi doono madaxwayne uhuru kenyatta iyo ku xigeenkiisa wilyam ruto uuna kala hali doono xaalada amaanka garissa sidii wax looga qaban lahaa .
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com