Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Maalinimadii shalay ayaa waxaa ka dhacay Magaalada Kismaayo kulan ay soo abaabuleen Odoyaasha Beesha Absame ee dhawaanahan u ololeenayay Axmed Madoobe waxa ayna ku martiqaadeen kooxihi Bacmadoow ee ka yimid dhinaca magaalada Doolow,iyadoo kulankaasi oo ahaa Qado iyo is wareysi kadibna la doonayay in kooxda Bacmadoow ay ka tanaasusho Doonista Xilka Madaxweynaha Jubbaland.

Kulankaasi oo markii dambe dhaliyey in lagu kala dareero,iyadoo wax natiijo ah ka soo baxin ayaa Odayaashii ka socdey Beesha Absame waxay usoo bandhigeen kooxda Bacmadoow in ay taageeraan Musharaxnimada Axmed Madoobe,islamarkaana aysan isku soo taagin Xilka Madaxweynenimo ee Jubbaland,arintaasi oo u muuqatey Amar ayaa waxaa ka biyo diiday kooxda Bacmadoow,waxayna sheegeen in arintaasi aanan la aqbali karin.

Goob jooge ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Allgalgaduud Media u sheegay kooxda Bacmadoow in ay ka dalbadeen Odoyaasha Absame,in ay arimaha noocaasi oo kale ay iska dayaan,islamarkaana mudo 3 maalin gudahooda ay ku soo diyaariyaan Ergooyinkooda iyo in Dib loo furo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo uu xirtay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe mudo haatan laga joogo ilaa 7 maalmood.

Dhinaca kale kooxo ka soo jeeda beesha Sade oo sheegtay inay yihiin musharixiinta Jubbaland ayaa waxaa la sheegayaa in ay maata kulan ku leeyihiin gudaha magaalada Kismaayo waloow la ogyahay inaysan waxba soo kordhin karin oo ay riyo ku jiraan.

Isku soo wada duuboo waxaa la dhowrayaa maalmaha soo socda waxa xaalka uu noqon doono ,maadama khilaaf xoogan uu soo kala dhexgaley kooxihi lagu sheegay ergooyinka ee u ololeynayey qabsoomida Shir ku sheega musuq maasuqa ah ee ka socday magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com