Howlgal Ciidamada Dowladda Iyo AMISOM Ay Xalay Ka Sameeyeen Magaalada Muqdisho.

0

nabadsugidMuqdisho (AGGM): Ciidamada booliiska dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa xalay howlgal baaxaad leh ka sameeyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana lagu arkayay ciidamada inta badan degmooyinka gobollka Banaadir.
Ciidamada iyo kuwa midowgga Africa AMISOM oo ku hubeysan gadiidka dagaalka iyo tangiyo ayaa lagu arkayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan is-goosyada magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku baarayeen gadiidka dadweynaha BL-ka ah.
Howlgalka ayaa ka danbeeyay kadib markii maalmihii ugu danbeeyay xaalada magaalada Muqdisho aheyd mid amnigeedu sii xumaanayay, waxaana la sheegay in howlgallkii xalay lagu soo qab qabtay dad la tuhusan yahay.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay sii socon doonaan howlgalada laga wado magaalada Muqdisho, ilaa sida ay sheegeen laga sugayo amniga magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku maray laamaha nabad-galyada dowladda federaalka iyo AMISOM siweyn u sugaan amniga caasimada iyo xarumaha dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com