Wararki Ugu Dambeeyay Maanta Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in  magaaladaasi ay ka taagan tahay xaalad murugsan kadib markii 7-dii maalmood ee la soo dhaafay in shir uga socday Beesha Absame magaaladaasi shirkaa oo la doonayay in lagu kala saaro musharaxiinta u tartamaya beeshaasi ayaa maanta waxaa magaaladaasi go’aan  ka soo saaray  garab kamid ah Odayaasha Beesha Absame ee shirka u socday.

Kulankan u socday Odayaasha Beesha Absame mudo dhan 7  cisho  ayaa waxa ay maanta ka soo sareen go,an ah in gabar kamid ah Beeshaasi ay hal musharax uu uga qayb galayo doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Odayaasha ayaa waxa ay sheegeen  ka dib marki ay firiyeen dhinacyo badan islamarkaana ay tartan siyeen 3 musharax oo kasoo jeeda beeshooda oo kala ahaa  horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe, Shakuul iyo Prof Gaandi ay  odayaasha beesha Absame garteen in uu tartanka madaxnimada uga qayb galo horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Kadib go,ankaas ayaa waxaa si dag dag ah markiiba u qadacay Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo  la xiriiray warbaahinta ayaa  waxa uuna sheegay in go,aanka ka soo baxay odayaasha beesha Absame uu ahayn mid cadaalad ah asaguna uu hogaansami doonin, dagaalna uu ka xigo falka ay kula kaceen odayaasha.

Dhinaca Kale Ibrahiim Shakuul ayaa asagu ka gaabsaday  in uu wax ka yiraahdo go,aanka ka soo baxay odayaasha beesha Absame,waxaana uu sii labo jibaaray maanta Ololahiisa doorashada.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in beesha Absame ay u kala jabtay 3 garab oo kala taageersan 1-Horjoogaha maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe, 2- Ibaraahim Shakuul, 3- Prof. Gaandi, markaad wareesato ilo wareedyada ku dhow dhow sadexdan nin ayaa waxa ay kuu sheegayaan haddii aan laga dambeyn musharaxa jifadooda in ay dagaalami doonaan.

Isku soo wada duuboo waxaa magaalada Kismaayo maalmahan soo gaarayay Musharaxiin sheegaya inay u tartamaaya inay noqdaan Madaxweynaha Jubbaland iyadoo sida la wada ogsoon yahay dadka deegaanka gobolada Jubaooyinka iyo Gedo ay badankood ka biyo diideen, sidoo kalena Dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay shirka ka socda magaalada Kismaayo midaan waafaqsaneen Dastuurka u yaal dalka Soomaaliya, ilaa hadda waxaa muuqda isriixriixa siyaasadeed ee ka socda magaalada Kismaayo in uu horseedi karo dagaal Sokeeye oo ka qarxa magaaladaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com