Shakuul Iyo Gaandi Oo Ka Biya Diiday War Ka Soo Yeeray Garab Kamid Ah Odoyaasha Beesha Absame.*Dhagayso Odoyaasha*

0

Shakuul Iyo GaandiKismaayo (AGGM): Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in horjoogaha maleeshiyo beeleedka  Raaskanbooni Axmed Madoobe in uu warsaxaafadeed soo saara uu ku yiri garab isaga taageersan oo kamid ah odayasha dhaqanka beesha Absame si ay ugu baahiyaan saxaafada in ay Doorteen Musharaxa Beeshaas Islamarkaana ay Meesha ka saaraan Musharixinta kale ee ka soo jeeda beesha Absame.

Garab kamid ah Odayaasha beesha Absame ayaa taageersan Axmed Madoobe waxa ayna maanta Saxafadda kula Hadleen gudaha magaalada Kismaayo iyagoo sheegay in ay Isla garteen in hadii ay yihiin odoyaasha Beesha Absame in uu u tartamayo hal Musharax, musharaxaas oo ay sheegeen in ay isla garteen in uu yahay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale iyaguna idaacadaha la hadlay garabka kale ee Odayaasha Beesha Absame waxayna sheegeen in aysan arrintaas la qabin Odayaasha Absame ee yiri hal musharax ayaa beeshu leedahay islamarkaana uu Beeshaas uu  Musharaxaas matalayo, waxa ayna sheegeen In musharaxiinta beshaas u sharaxan ay badanyihiin hal Ruuxna aysan u afduubi karin dadka intiisa kale.

Musharax Maxamed Ibrahim Shakuul ayaa isaguna waxa uu goordhoweyd waraysi siiyay qaar kamid ah warbaahinta isagoo ku sugan gudaha magaalada Kismaayo waxa uu sheegay in hadal maanta kasoo yeeray qaar kamid ah odoyaasha beesha Absame uu hadlkoodaas yahay mid aan waxba ka jirin isaguna uu qaab qabiil iyo jifo wax ku doonayn, islamarkaana odoyaasha hadlay ay ka shaqeeyaan xafiiska horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Shakuul ayaa sheegay in musharaxnimadiisa madaxweynaha Jubbaland inaysan marnaba wax iska badaleen ilaa looga guuleeysto ama uu ku guul dareeysto doorashada la sheegay inay dhici doonto, wuxuuna ku celceshay si kululna u dhaliilay hadalka ka soo yeeray qaar kamid ah odayaasha beesha Absame ee sida tooska ah u hoostaga xafiiska horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Dhinaca kale Prof. Gaandi ayaa isaguna waxa uu manata sheegay in hadalka odoyaasha beesha Absame kasoo yeeray uu ahaa mid aysan u meel dayin ayna ahaayeen kuwo u adeegaya musharax kamid ah musharixiinta balse ka gaabsaday inuu wax faah faahin ah ka sii bixiyo.

Odoyaasha dhaqanka ee beesha Absame ayaa waxa ay u kala qeeybsan yihiin sadex garab waxa ayna kala taageerayaan sadexda nin ee kala Prof. Gaandi, Shakuul, Iyo Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe.

Hadaan yara jaleecno dhanka Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa wax war ah ilaa hadda  ka soo bixin waloow dadka qaar ay sheegayaan inuu caawa barkintiisa dheereeystay oo uu ka gaabsanayo iskuna fiirsanayo odoyaasha iyo musharixiintan is eryanaya.

Isku soo wada duuboo odayaashan dhaqanka ee beesha Absame qayb kamid ah ayaa waxaa ka soo yeeraysay todobaadyadi la soo dhaafay in awoodda Magaalada Kismaayo iyo mida doorashadaba ay Gacanta ugu jirto maamulayana horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe, odoyaashana ayaa waxa ay sheegeen inta ay jiraan arrimahaas awood marooqsiga ah in aan marnaba suuragal ahayn in doorasho xalaal ah ka dhacaan shirkan lagu sheegay in lagu yagleelayo maamul goboleedka Jubbaland.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/04/Voice_014.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud media
allgalgaduud@gmail.com