Wararki Ugu Dambeeyay Iyo Xaalada Magaalada Kismaayo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya maanta magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in gabi ahaan magaalad Kismaayo ay istaageen hoowlo maalmeedki caadiga ahaa kadib marki ay cirka isku sii shareertay gadoodka ciidamada Dowladda ee magaalada Kismaayo.

Ciidamadan gadooday shalay ayaa waxaa maanta cirka isku sii shareeray caradooda waxa ayna wada xireen gabai ahaan, Dekeda, Garoonka diyaaradaha, Hay’adaha, Baqaarada iyo dhamaan goobaha kale ee ganacsi ee magaalada Kismaayo, waxaana la arkayaa ciidamada iyagoo raxan raxan u dhexmaraya gudaha magaalada Kismaayo.

Waxaa istaagay gabi ahaan gadiidki dadweynaha ee magaalada Kismaayo waxaan aad u yar isu socodka dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Ciidamada ayaa teer iyo shalay gadoodsanaa waxa uu gadoodkoodu ku saleeysan yahayna waxa ay ku sheegeen in ay waayeen mushaaradi ay xaqa u lahaayeen oo ay ku takri faleen dhaqaalahooda horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dekeda magaalda Kismaayo oo kaliya ayaa waxa ka soo xarooda usbuuci lacag lagu sheegay ugu yaraan $ 400,000 oo doolar halka $130,000 uu si toos ah u qaato horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, $ 70,000 oo doolarna waxa qaato ku xigeenkiisa inta soo hartayna waxaa si toos ah u qaata saraakiisha ciidamada Kenya taasi oo ku tusaysa ku takri falka dhaqaalaha kasoo xarooda dekeda magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale weriyeyaasha ka hoowl gala magaalada Kismaayo sida kuwa Tv-yada iyo Idaacadaha madax banaan ayaa waxaa amar lagu siiyay inaysan gabi ahaan tabin karin wararka gadoodka ciidamada oo teer iyo shalay ka taagnaa magaalada Kismaayo weriyihii tebiyaana uu la kulmayo ciqaab adag.

Isku soo wada duuboo xaalada magaalada Kismaayo ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii dhabqeeysa halka horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskamboonina ay awoodooda sii wiiqmeeyso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com