Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Tacsi U Diray Dadkii Geeriyooday Qaraxii Maanta Dhaca.y

0

jawaariMuqdisho (AGGM): Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday falkii maanta ay maleeshiyaadka argigixisada ah ee Al-Shabaab kusoo qaadeen xarunta Maxkamadda gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaan rabaa inaan halkaan tacsi ugu diro dadkii maanta ay gacanta ka gardaran ku dishay xarunta maxmadda gobolka Banaadir waxaan Alle uga baryayaa inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dadkii ku dhintay, kuwii dhaawacmayna caafimaad taam ah Alle ha siiyo.”

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu falkaasi ku tilmaamay inuu yahay mid cadawtooyo oo ay argigixisadu ku doonayaan iney ku hor istaagaan hormarka umadda Soomaaliyeed iminka muuqda balse aanay falalka argigixiska ahi hor istaagi doonin hormarka iyo iftiinka Dowladnimo ee hada Umadda u muuqda.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku ammaanay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed sida geesinimada leh ee ay u badbaadiyeen dadkii ku go’doonsanaa gudaha xarunta Maxkamadda waxaana uu Gudoomiyuhu ku dhiirageliyey Ciidammada iney sii wadaan sida ay shacabkooda cadawga uga difaacayaan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu ku booriyey shacbiga Soomaaliyeed iney Ciidammada ammaanka ku gacan siiyaan sidii loo sugi lahaa amniga Dalka islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in cadawga si isku duubni ah meel looga soo wada jeesto.

———–
Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media Office

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com