Xog Lahelay: Ururo Kal Hore Burburay Oo Foowdo Ka Abaabulaya Magaalada Caabudwaaq.

0

qatarXog Lahelay: Warar ay si hoose ku heshay shabakada Allgalgaduud Media ayaa waxa aysheegayaan in ururo kal hore burburay ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ay ku doonayaan inay foowdeyaan maamulka cusub iyo amaanka degmada Caabudwaaq iyagoo laga soo hagayo amaba laga soo abaabulayo dhanka magaalooyinka Kismaayo iyo Jigjiga.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay kana tirsanaa mid kamid ah ururada kal hore burburay ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay foowdadan lagu jahwareerinayo maamulka cusub ee dowladda dhawaan u magacoowday magaalada Caabudwaaq qalqalna lagu galinayo amaanka ay ka danbeeyaan rag ku sugan magaalada Kismaayo iyo rag ku sugan dalalka Yurub oo magaaladaasi doonaya in ay burburiyaan nabada ka jirta.

Shir dhawaan ay isugu yimaadeen qaar horey uga tirsanaa ururadan kal hore burburay ayaa waxa ay u xusul duubayaan sidii ay foowdo u dhex dhigi lahaayeen maamulka cusub iyo dadka ku dhaqan magaalada Caabudwaaq si halkaasi uga dhacaan rabshado, afduubyo iyo dilal qorsheesan.

Waxaa jira qadad telefoon oo socda ayna soo abaabuleen rag ka tirsan ururo kal hore burburay lana doonayo in lagu abuuro jawiyo been abuur  iyo jahwareerin ah si qalqal loo galiyo amniga degmada Caabudwaaq, loona marin habaabiyo dadka qurbajoogta ah ee indhahoodu ku sii jeedaan xaaladaha murugsan ee ka taagan magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo dhamaan qeeybaha qurbajoogta waxaan uga digaynaa telefoonada been abuurka ah ee la doonayo in lagu jahwareeriyo lagana sii jeediyo xaaladaha adag ee ka taagan Kismaayo inay ka foojignaadaan dibna u baaraan ujeedka dhabta ah ee ururdan iyo ragga wata waxay u xusul duubayaan.

Filo Dhawaan magacyada Ragga Kismaayo Iyo Yurub Jooga Ee Foowdada Soo Abaabulay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com