Sanad Guurrada 53aad Ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Si Weyn Loo Xusay.*Daawo Sawirada + Heesti Ciidamadi Dalkoow*

0

dalka1Muqdisho (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa maanta ka qeyb galay sanadguuradii 53aad ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidan ka tirsan xoogga dalka, kadibna isla goobtaas ayaa waxaa gaardis ku maray ciidamadda qeyba-hiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin, ciidanka Badda, Cirka iyo ciidamadda Cagta.

Waxaa goobjoog ka ahaa munaasabadda Xildhibaano, Wasiiro, Taliyayaasha militariga, kuwa AMISOM, iyo Diblomaasiyiin ka socday dalalka aan saaxibadda nahay.

“ Waxaan u hambalyeeynayaa ciidamadda qalabka sida iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa sharaf ii ah in aan ahay Madaxa ciidanka qalabka sida, waxaana idin ogeysiinayaa in mar-labaad dib u dhiskii ciidankeenu bilaawday.”

“Ciidankeenu waa laf-dhabarta iyo sharafta umadda Soomaaliyeed. Waxeeyna gaareen guulo waa weyn oo ay dhul baaxad weyn cadawga kaga soo celiyeen ayadoo isla markaasna la wado dib-u-dhiska ciidanka.”

“Dowladda waxaa  go’aan ka ah sidii horay aan dhowr jeer u sheegnay in amniga uu yahay muhiimadda kowaad. Dowladda waxey diyaar u tahay in ay taagero buuxda siiso ciidamadda qalabka sida. Taasna ay u horseedo nabad buuxda dalkeena”

“ Waa inuu waajibkeena noo cad yahay, shaqeedanu waa in aan difaacna 3da D dadka,dalka, iyo diinta. Xoogga Dalka uma dulqaadanayo mana aqbalayo in sharciga la jebiyo. Nafsadiina ayaad u hureysaan dalkaan, saas darteed waa in aad sharfteena dhowrtaan.”

“Shacabkeena, waxaan leeyahay waa inaan hore u soconaa oo aan dhisnaa hay’adaha isku hayo bulshadda uu ka mid yahay Xoogga Dalka. Shacabkeena dhibaato ku filan waa soo martay maanta fursad weyn ayaan haysanaa.”

Maanta waxaan rabaa in aan xusso una mahad celiyo dalalka na tageero oo naftooda noo horay si aan dib ugu soo celino dowladd Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xassan ayaa ugu danbeyntii uga mahad celiyay beesha caalamka sida ay u taagerto dowladda  Soomaaliya.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/02/Hees-Ciidamadii-dalkow-Dagaal-gelin-.wmv.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

dalka1

dalka2

dalka3

dalka4

dalka5

dalka6

dalka

dalka7

beebe

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com