Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya Oo Tababar Loogu Xiray Beledweyne,*Timir Lafbaa Ku Jirta Dhagaysi Wacan*.

0

ciidan tababarBaladweeyne (AGGM):Xaflad tababar loogu soo xiray guuto ka tirsan ciidamo ka qayb-noqonaya xogga Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Tababarka oo socday muddo saddex billood ah ayaa waxaa cashirro ka bixiyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga Soomaaliya iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo xafladdu ay ka dhacday xerada Lama galaay oo horay u ahayd Gaaskii shanaad ee ciidamada xoogga ee xilligii dowladdii dhexe.

Taliyaha ciidamada xoogga ee gobolka Hiiraan kolonayl Tawane Axmed ayaa ciidamada tababarka loo soo xiray faray in ay gacan weyn ka geystaan sugidda amniga gobolka Hiiraan iyo sidii ay ula wareegi lahayeen degmooyinka iyo deegaannada weli ku jira gacanta maleeshiyada al-Shabaab ee gobolka.

Taliyaha ayaa ciidamada u ballan-qadaay in xukuumaddu ciidamad siin doonto xuquuqdooda, mushaaraadka ay si joogto ah u heli doonaan, isagoo tilmaamay in la daryeeli-doono ciidamada ay waxyeelladu ka soo gaadho dagaallada iyo kuwa buka.

Xafladdan ayaa lagu soo beegay maanta oo ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku dabbaal degayaan sanad-guuradii 53-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay oo ku beegan 12-April ee sanadkii 1960-kii.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/soomaali-baa-tabar-yar.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com