Madaxweynaha Uganda Oo Agab Ciidan Ugu Deeqay Dowladda Soomaaliya.

0

M7+SAMALIE PM 1Kampala (AGGM): Madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Museveni oo lahadlayay warbaahinta ayaa waxaa uu  dhinaciisa sheegay xili isaga iyo Raysul wasaraha xukuumada soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon kulan lahaayeen, ayaa waxaa uu carabbka ku dhuftay  in dowladdiisu ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya xili haatan ciidamo katirsan ay Uganda oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee midowga afrika Amisom ay ku sugan yihiin gudaha wadanka soomaaliya.

Yuweri Museveni Madaxweynaha Uganda ayaa uga mahadceliyay booqashada Raysul wasaraha iyo wafdigiisa, isagoo ku carabbka ku adkeeyay in dowladdiisu ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, wuxuuna xusay in ciidankiisu ay diyaar u yihiin inay nabadda sugaan tan iyo inta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan hanashada dalka.

madaxweyne Museveni ayaa dhanka kale tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu si dhow ugala shaqeeyo dowladda federaalka Soomaaliya la dagaallanka kooxda Alshabab.

Wadanka Uganda ayaa  hadda qayb ah ciidamada ka socda midowga afrika ee haatan ku sugan dalka soomaaliya iyadoona haatan ay kusugan yihiin wadamada Jabuuti,Brundi,Seira Leone ,iyadoona ciidamada Ugandha ay yihiin kuwa ugu tiro badan  ee gudaha dalka ku sugan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com