Hubki Ugu Horeeyay Oo Dowladda Soomaaliya Uga Soo Dagay Dekeda Magaalada Muqdisho.

0

Israel Navy seized cargo ship 'Victoria'Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in dekeda wayn ee magaalada Muqdisho shalay ilaa xalay habeen barki hubkii ugu fara badnaa ee 21 sano kadib ay hesho dowlad Soomaaliyeed.

Hubkaan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ugu deeqay dhawaan dowladda Jabuuti waxaana la sheegaya hubkan in uu ahaa hub aad u fara badan.

Mid kamid ah shaqaalaha dekeda oo u waramay warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay hubkaan amrki la dajinayay in dhamaan shaqaalaha shacabka ah dekeda banaanka looga saaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay deeq lamid ah deeqdan ahdda soo gaartay waxa ay ka fileeysaa wadamo badan oo caalamka ah.

Dalka Jabuuti ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya ugu deeqay gaadiid dagaal iyo hub casri ah kuwaa oo baahi tiri doona ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com