Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Tababar U Soo Xirray Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Soomaaliya.

0

Madaxweyna-HassanMuqdisho (AGGM): Madaxweynaha dowladda Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar ugu soo xiray xarunta Xallane ee dulleedka magaalada Muqdisho boqolaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo bilooyin halkaas tababar ku qaadanayay.

Ciidamada oo madaxweynaha tababarka u soo xirray ayaa isugu jiray Militari boolis iyo, nabadsugid, kuwasoo ka shaqeyn doona amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho; iyagoo la baray habka la dagaalanka kooxaha nabada kasoo hor-jeeda.

“Ujeedada la idiin soo xushay oo tababarka leydiin siiyay waa in aad dajisaan nabad-galayda Muqdisho, sidoo kalana aad soo celisaan sharaftii iyo magacii ay caasimaddu lahayd,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay askarta uu tababarka u soo xiray.

Waxaa uu sheegay in uu filayo ciidamada boqolaalka gaaraya ee maanta tababarka u soo xirrmay in ay ka soo baxaan doorka kaga aadan xaqiijinta amniga, madaama ay soo qaateen cilmiga la xiriira sida looga hortaga falalka amaanka ka dhan-ka ah

“Shacabka waxaa ay ku kalsoonaan karaan oo kaliya askariga qoriga  u qaatay inuu iyaga difaaco; balse haddii uu dadka dhibaateeyo ama uu sigaarka iyo jaadka sii wato cunistooda kuma kalsoonaan karaan shacabka,” ayuu ku yiri madaxweynuhu ciidamadii uu la hadlaya.

Ciidamadan ayaa waxay ka howgeli doonaan guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo lagu arkayay isla maanta magaalada Muqdisho gaadiid ay ka buuxaan ciidammo oo isaga gooshayay degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood.

Horay ayaa kumanaan ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan loogu soo tababaray dalal ay ka mid yihiin Uganda, Kenya iyo Itoobiya, kuwaasoo la sheegay in ay ka qeyb-qaadanayaan sugida amniga dalka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com