Danjire Annadif,General Andrew Gutti Iyo Agaasimaha Hay’adda (UNSOA) Amadou Camara Oo Booqday Magaalada Kismaayo.

0

Annadif-KismaayoKismaayo (AGGM): Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa booqday xoogagga AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Danjire Annadif waxaa socdaalka uu ku tagay magaalada Kismaayo ku wehliyay taliyaha ciidanka AMISOM, General Andrew Gutti, Agaasimaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan taakuleynta AMISOM (UNSOA), Amadou Camara, iyo wakiilka ciidanka xoogga dalka Kenya, Major General Francis K. Nthenge.

Wakiilka gaarka ah ayaa ku ammaanay ciidanka AMISOM doorka ay ku lahaayeen xorraynta magaalada Kismaayo, wuxuuna uga mahadceliyay dadka iyo dowladda Kenya sida ay naf iyo dhaqaaleba ugu hureen xorreynta magaalada.

Danjire Annadif ayaa ujeeddada socdaalkiisa ku tilmaamay siduu ugu kuurgeli lahaa caqabadaha dhinaca nolosha iyo gaadiidka ee haysta ciidanka ku sugan waaxdaas, iyo helitaanka xog rasmi ah oo ku saabsan arrinta la xiriirta dhuxusha.

Wakiilka gaarka ah wuxuu sheegay in AMISOM ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhaqangelinta qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Sharciyada Soomaaliyeed ee mamnuucaya dhoofinta dhuxusha.

Taliyaha waaxda A. M. Ngere ayaa mar kale u xaqiijiyay wakiilka gaarka ah in ciidanka AMISOM ee gobollada Jubbooyinka ay ku howlgalaan sharciyadda AMISOM, isagoo sheegay inaanay si toos ah ama si dadban ugu lug lahayn arrinta dhuxusha.

Wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyay in ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ayidsan yihiin xeerarka caalamiga ah iyo kuwa qaran ee Soomaaliya.

Danjire Mahamat Saleh Annadif iyo wafdigiisa ayaa fursad u helay inay u dalxiis tagaan qeybo ka mid ah magaalada sida dekedda, iyagoo uga mahadceliyay ciidanka AMISOM sida ay sugeen ammaanka dekedda oo ah xarumaha muhiimka ah dadka deegaanka.

Annadif-Kismaayo

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com