War Deg Deg Ah:Ciidamo Ka Tirsan Ciidamada Xooga Dalka Oo Gaaray Magaalada Kismaayo.

0

breaking_news-620x3301Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in galabta ay magaaladaasi soo gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka soo kicitimay degmada Ceel Waaq Ee Gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa waxa ay galabta gudaha u soo galeen magaalada Kismaayo waxa ayna fariisin ka sameeysteen xarunta warshada hilibka ee magaalada Kismaayo.

Ilaa hadda ma ay jiraan wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha horkacayay ciidamada dowladda ee galabta gudaha u galay magaalada Kismaayo iyo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com