Dib U Raaca Taariikhda: Gabaygaan Waxaa Tiriyay Axmed Maxamed Shirwac Dhuurcas,April 1997kii Waxaa Layiraa Gabayga Magciisa "Shilkii Reer Kismaayo".Akhriso

0

GABAYDib U Raaca Taariikhda: Gabaygaan Waxaa Tiriyay Axmed Maxamed Shirwac Dhuurcas,April 1997kii Waxaa Layiraa Gabayga Magciisa “Shilkii Reer Kismaayo”.Akhriso

Shuqul gabay baroow wanigii sheekadiis dhigaye
Wanigii shakalka iyo ku xiray shabaq aan sideen.
Shib waataan kairi maansadaan sheeqa ku ahaa.

Teer iyo shir qaran waa teey iga shareernaaye.
Waatii dad badan iga shakiyay ina shuqeyeene.
Mid shidkiisi galay caawo aan shiinka ka higaadsho.

Shalaay waa ku imaan dhiigayaga qoomki shafecsadaa.
Ma shifeysan jirin godab ninkii naga shaqeestaaye.
Qabiilkii shar noo maamulaa guul mashiiqsado.

Shido iyo xumaan kama helno iyo shir iyo duulaane.
Mashuqeeyno deegamadaan sheeda wada naale.
Sharaf baan wax kula qeybsanaa shacabka soomaale.

Intii nabad lasheel sheelin karo waan u shiin tirinaa.
Dabka nalgu shido maalinkuu shuuqa damin waayo.
Sheekada markii la isku dhaho lag shiil roonaaye.

Ayaan sida shamsad iyo dayax shaac u noqonaaye.
Dad ninkii shanshada buuxsantay iyo kibir ubeen sheego.
Dharaar shaahid loo wada yahaan kaga shaneeynaa.

Shisheeye iyo sokeeyaba horuu nooga marg sheegi
Cadkayaga nin shiiqsadaa la waa shuunkas toos yahaye.
Shaf nalooma tumo goob dagaal ama shahiid yaale.

Shahaado iyo cadeen waxaan laheen sheego maqaane.
Libin loo sharuutamay aneey shir iga raacdaaye.
Inaan been ku shoomeen ragbaa iiga shaahida.

Waxaan gabayga aad ugu sharaxay uguna shiidaaday..
Damiin baan wax ugu shegayaa shaqalka waaweene.
Shilkii reer kismaanyo iyo kadhacay shacabka reer waamo.

Shukaanta iyo ragii lagal dagay shirarka baabuurta.
Oo dumarka lagu shiish baray oo ubadku shandheeyay.
Shilalkii ladhigay boor dage iyo shiradii loo toogtay.
Shanqari kam danbeen baa layiri wali shabaaxiiye.

Majeerteen shantaan bari haduu farax ku sheekeystay.
Shaaribad haduu daray lib aan waligii loo sheegin.
Shin hadeey noqdeen wax wadnaha shiil kaga taalba.

Sideydii haduu shaar libaax harag shabeel qaatay.
Shulaha haduu maro waad dhigtoo shaal garbah saartay.
Shirib hadeey lasoo wad tunteen shaaric iyo toonka.

Hadaan shaamreer dhicin ilamda sharibada qooyso.
Maxaa shalay inoo waday hadaan sheeko ku idlaanin.
Shalaayto iyo haraan hadaan lagu sharaakoobin.

Shirka odaydii dhigay hadaan shaaca laga qaadin.
Baqaarada hadaan la iska shabin sheeyna laga qaato.
Hadaan bahal kushirin mayd wadada shalay ku ruux waayay.

Shan iyo toban hadaan habaqle dhaxay shoorka jabin waayin.
Bada dad isku sii shubay hadaan moori kula shiidin.
Shixnadihii iyo hadaan doonyihii laisku shubi waayin.

Shuf hadaan lanoqon ebaheey loo shukriyi waaye.
Shab hadaan la oran otaangadii shalay la oodeeyay.
Shafkeey kacayishee xero hadaan shaah lagu iibin.

Shiraac iyo hadaan teendho iyo kaar lawada sheegan.
Shirqoolka iyo hadaan damac iyo kibirku shaashoobin.
Showshoowda badan iyo hadaan shoorku socon waayin.
Shuruubah hadaan lagal baqin shegashada ciida.

Haduusan shadadaha kaguran koonfur shacbkiinu.
Ama eeysan shaqalo iyo noqon sheegad nala jooga,
Sidinaan shiraac doon leh iyo shuud kusoo galay.

Sharafkaan ku dhadanhayna iyo shicirku waa beene.
Sheeb iyo shabaab nabadii hadii showri lagu tuuray.
Oo uu shirka u yahay hartigu wado Shacuubtiisu

Ama eey shufta u wad yihiin shuushka bixi waayay.
Shiinaha dad le,eg waadinkii sheegan jiray waaye,
Waxaan soo shaamiray xoogagii idinka sheelnaaye.
Shankaroorta goorteey sidii buda idiin shiido ,

Ama laisku kiinsoo shafoo faro la idiin sheegto,
Shinbiro saa tihiin uu galeer aad u shabkeeyay.
Shabad weeye kugu taal in aad shagax dhaheysaane,
La’ iskuma Shabaho darajo aan kugu Shariifneene.

Shafka looma tumo geesinimo aan shisho aheene.
Shaxshax maahan meel lagu shuf baxay in aad shirnataan,
Idinkoo shalwady baad guryihii sii sharxateene.

Niman sida guurtada shinidaad kugu shamuumaayo.
Oo wax eey ku shaximanyihii aana lashegeynin .
Shakilada waxaa kaa dagay ciidan kuu shaxaye,

Kuwii ugu shideysnaa ayaa sheeda kaa tubane.
Kol haduuba shiishkoodu yahay shaafka aw magan ah
Shantarkaan jubad hoose waa kaa sharamahayaa.

Inta eey shacuurtu is badalin oo shaagu soconaayo.
Majerteen halkaad shalay katimid shaahid ugu guuro,
Iskuna shuba shilabteed bari shekadii xiraye.

Markaad eegto xaalada magaalada Kismaayo ee maanta waxaa kuu muuqanaya inay taariikhda mar labaad dib isu qoreeyso oo waxii shalay dhacay dadka qaar kamid ah ay maanta doonayaan in dib ay u dhacaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com