Dowladda Kenya Oo Ku Dhawaaqday Inay Ciidamadeeda Kala Baxayaan Gudaha Dalka Soomaaliya.

0

Colonel Cyrus OgunaNairobi (AGGM): Dowlada dalka Kenya ayaa sheegay iney dalka Soomaaliya kala baxayso hal guuto oo ka tirsan ciidankeeda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubooyinka oo ay al shabaab ka saareen,warka kasoo baxay milateriga dalka Kenya ayaa yimi kadib markii ay Jubooyinka gaareen ciidan ka socda dalka Sierra leone.

Cyrus Oguna oo ka tirsan afhayteenada ciidamada milateriga dalka Kenya ayaa sheegay iney Todobaadyada soo aaddan Soomaaliya kala baxayaan ku dhawaad kun Askari oo ka tirsan ciidankooda wuxuuna tilmaamay iney bedeli doonaan ciidamada Sierra leone oo gaaray goboladaas.

Oguna ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka ay Kenya kula baxayso ciidankeeda gaaraya Kunka Askari uu yimi kadib markii uu Kenya iyo qaramada midoobe dhexmaray heshiis is af garad ah sida uu tibaaxay kadibne la isku raacay in ciidanka Kenya ay bedeleen ciidamada Sierra leone .

Ciidamada dalka Kenya ayaa gudaha usoo galay dalka Soomaaliya bishii October ee sanadkii 2011 markaas oo Kenya ay sheegtay iney Soomaaliya usoo gashay difaaca amniga gudaha Kenya oo ay tilmaameen iney weerar qaawan kusoo qaaday kooxda alshabaab oo weeraro dhowr ah ka geystay gudaha Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa xiligan waxaa ka jooga gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo hoos yimaada hawlgalka midowga Afrika ee nabad ilaalinta AMISOM.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com