Labo Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada Kenya Oo Lagu Dillay Magaalada Gaarisa.

0

GarissaGaarissa (AGGM); Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay goor dhaw ku toogteen magaalada Gaarisa ee gobollka W/bari dalka Kenya labo askari oo ka tirsanaa ciidamada nabad-galyada dalka Kenya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in weerarka lagu toogtay askarta uu ka dhacay wadada ugu mashuulka badan marka la eego magaalad Gaarisa ee tagta Suuqa caanka ah ee lagu magacaabo Suuq Mugdi..

Labo askari ayaa la dilay, halka mid kalana uu dhaawacmay, kaasoo loola cararay Isbitaalka, waxaana weerarka kadib soo buuxiyay goobta ciidamo fara badan.

Mid ka mid ah dadka ku nool Gaarisa ayaa sheegay in weerarkan oo dhacay duhurkii ay geysteen kooxo hubeysan kuwaasoo goobta ka baxsaday.

Wararku waxaa ay sheegyaan in ciidamo fara badan ayaa soo buuxiyay goobta weerarka ka dhacay oo aad ugu dhow Suuqa magaalada Gaarisa ee Suuq Mugdi loo yaqaano.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo  ka soo baxay booliska Kenya, waxaana weerarkan ku soo aadaya, iyadoo dhowaan deegaankaas laga soo doortay xubnaha Soomaalida ee Gobolka Waqooyi Bari iyo Gaarisa.