Ururka Wadaniga Ah ee GAASHAAN QARAN Oo Walaac Ka Muujiyay Kalaqaybinta Cusub Ee Umadda Somaliyeed.

0

gaashaan qaran

Wuxuuna u qornaa sida tan:-Markan aragnay hormarka dhanka amaanka ah ee ka jira ciida somaliyeed , markan aragnay didaalada ay wadaan madaxda  somaliya  ee ku adan soocelinta sharafta umada somaliyeed .

Markan aragnay saan saan ku adan abaabul ku dhisan qaab beeledyo oo soo cusboonaday , marka aan tixgalinay sida ay somalidu igu nugushahay qabyaalada .

Markan garowsanay in ay jiran maslaxo shisheeye ee wadanka laga leeyahay iyo dhibtada haysata qaybo ka mid ah umada somaliyeed. Waxaan soojeedinaynaa qodobadan Talada ah:

  1. In la joojiyo adeegsiga  macaga qabiilka ee loo adeegsanayo arimaha siyasadda iyo maslaxado shaqsi ah , sigaar ah waxan ugu baraaru jinaynaa arintaas Siyaasiyiinta , Aqoonyahanka Iyo Bahda Saxafadda oo Ay ugu horeeyan qoraayasha Websed yada, waxana ogaatiin  Dhibato kasta oo aad ku aburtid Afkaga iyo Gacantada in Akhiro wax laga waydiinayo.
  2. In laan lagu salayn gobalada dalka qaab beeled, taas waxay sii kordhinkartaa loolankii ka dhex jiray qabaailada waxana imaan doonta in la isku qabsado xuduudo taas oo in la xaliyaa ayasan fududan doonin .
  3. Warbaahintu waa in ay ilaaliyan anshaxa saxaafada, sida in ay ku xadbudban Shaqsi, Koox Ama Qabiil waana in ay kontrolan fikradaha ay qorayan aqristayaashoodu.
  4. In la’ixtaramo hadba qofka masuulka ah oo aan lagu carqaladayn Urur ,Qoys iyo Midab toona .taas oo abuurikarta in dadka wax tarka ah ay ku dhiiradan in ay kursiga yimadan.
  5. Dowlada waa in looga danbeeyaa hananka soo celinta qarankii soomaliyeed, is barbaryaac waxba lagu gaarimayo ee aan ku kalsoonano dadka u dharatay howshan, kuna siino gabar si loo gaaro soonolayta qarankeeni soomaliyeeed.
  6. In laga fogaado waxkasta oo keeni kara in ay sii lunto somcadii iyo karamadii umada somaliyeed ee luntay 20 ki sano ee lasoo maray.
  7. In cadaaladu noqoto mid dadka dhan u sinan yihiin si muwaadinku uu u dareemo qiimaha  uu ku agleeyahay wallakiisa kale .
  8. In ismaan dhaaf kasta lagu xilyo sida ugu wanagsan ee aan loo marin is riix riix iyo kala cadgoosi , loona celsho qofkii tabaya xuquuq kamaqan .

Wabilaahi Towfiiq

Wadashaqayn wanaagsan

Ururka Wadaniga Ah Ee Gaashaan Qaran
Gashanqaran@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com