R/wasaare Saacid Oo Maanta Maamul KMG Ah U Magacaabay Gobolka Gedo.

0

SAM_1194 (2)Garbahaareey (AGGM):Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wefdigiisa ee ku sugan gobolka Gedo ayaa ku guulestey in ay soo dhisaan maamul KMG ah oo uu yeesho gobolka Gedo, waxaana dadaaladaasi qeyb ka qaaten wax garadka iyo bulshada deegaanadaasi.

Kadib kulan uu xalay iyo maanta la qaatay waxgaradka, odayasha dhaqanka, maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada R/wasaaraha dalka ayaa waxa uu ku guuleystay in uu dhiso maamul KMG oo mudo Lix bilood ah ka arriminayo gobolka Gedo.

R/wasaaraha ayaa magacaabay guddoomiyaha gobolka iyo kan dagmada waxa uuna guddoomiyaha gobolka u magacaabay guddoomiyihii hore Maxamed Cabdi Kaliil kadib markii uu la tashiyo la sameeyay Odayaasha iyo waxgaradka.

Dhanka kale waxaa heshiis kala saxiixday xukuumadda Soomaaliya iyo culimaa’udiinka ahlusuna waljameeca kaas oo ku aadan qalabeynta ciidamada ahlusuna ee ku sugan gobolka Gedo.

Heshiiska ay kala saxiixdeen xukuumadda iyo ahlusuna ayaa waxaa u kala saxiixay wasiirka difaaca dalka C/xakiim Maxamuud Xaaji iyo Sheekh C/raxmaan Al-qaadi oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka ahlusuna waljameeca.

Markii ay kala saxiixdeen heshiiska R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay booqasho ku tageen furimaha ay  duleedka Garbahaarey kaga sugan yihiin ciidamada qalabka sida.

Wasiirka difaaca dalka oo hadal u jeediyay ciidamada ayaa sheegay in si isku mid ah loo simayo xuquuqda ciidamada dowladda iyo kuwa ahlusuna ee ku sugan gobolka Gedo.

R/wasaaraha iyo wafdigisa ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho iyadoo ay si diiran u soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com