Dhaqaatiir Ka Digay Cudurro Ka Dillaaca Xilliga Roobka Degmada Baled-Xaawo.

0

BALAD-XAAWO-IYO-SUUQ-GUBTAY1Baled Xaawo (AGGM): Dhaqaatiirta caafimaadka ee ka howlgasha degmada Baled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa uga digay shacabka caafimaad darro ay sababi karaan biyaha waddooyinka dhex-ceegaaga ee ay dhaliyeen roobab mahiigaan ah oo dhowaan degmada ka da’ay.

Agaasimaha guud ee isbitaalka Beled-Xaawo Dr. Maxamed Cali Sigaale ayaa sheegay in xilli roobeedka ay jiraan cudurro ka dhasha oo ay keenaan biyaha wasakhda ah ee jidadka iyo goobaha ay dadweynuhu maraan fadhiya.

Wuxuu tilmaamay in cudurrada jadeecada, shuban biyoodka, malaariyada iyo kuwa kale ee faafa ay ka mid yihiin cudurrada waqtiyadan dillaaca.

Dr. Sigaale ayaa bulshada degmada Beled-Xaawo ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dhibaatada caafimaad xumo, wuxuuna ku boorriyey in ay biyo nadiif ah cabbaan.

Qaar ka mid ah gobollada dalka waxaa dhowaan ka dillaacay cudurka shuban biyoodka oo magaalooyinka qaar ay dad u dhinteen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com