Warsaxaafadeed: Ra’iisul Wasaaraha Ayaa Booqday Gobolka Shabeelada Dhexe Kulamana La Qaatay Bulshada Qabaheeda Kala Duwan.*Daawo Sawrirada*

0

27Jowhar (AGGM):  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiin Fiqi, Wasiiro ku xigeeno, Xilidhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa maanta booqasho ku tagay gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoona loo sameeyey soo dhaweyn aad u  balaaran.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu qayb ka ahaa safaradii uu ugu kuur galayey xaaladaha ka jira  gobolada dalka oo uu dhawaanahaan booqanayey, si u ogaado nolasha dadka ee dhanka dhaqaalaha iyo amniga.

Ugu horayntii Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka oo aad uga waramay dhibaatooyinka ka jira gobolka, waxayna ka codsadeen dawladda inay wax ka qabato sidii gobolka meelaha dhiman looga xorayn lahaa kooxaha nabad diidka ah, in dawladdu xooga saarto sidii loo dhisi lahaa jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar oo uu ka muuqdo bur bur lixaad leh iyo in maamul ay dadku soo doorteen loo sameeyo gobolka marka la xoreeyo degmooyinka dhiman.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Dhexe Mudane Cabdi Jiinow Calasow ayaa ka warbixiye xaalada gobolka ee dhanka nabad galayada iyo baahiyaha kala duwan ee ay qabaan dadku.

“Mudane Ra’iisul Wasaare waxaa gobolka la xoreeyey 09, Dec, 2012  mana jiro ilaa iyo hada wax ciidan boolis ah oo ka howl gala gobolka, waxaana hada amniga suga ciidanka xooga, waana lama huraan in la helo ciidan nabad sugid iyo boolis isugu jira, dawladu waa ay hilmaantay gobolka mana jiraan wax mucaawino ah oo soo gaaray ilaa iyo intii  laga xoreeyey nabad diidka” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolku isagoona dhanka kale xusay in waqtigaan lagu jiro xili roobaadkii Gugga oo uu wabigu sameeyo fatahaad, hadii aysan dawladdu ka qayb qaadan sidii looga hortagi lahaa biyo baxdadaas ay keeni karto dhibaato soo gaarta isu socodka gaadiidka iyo beeralayda.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa qudbad dheer u jeediyey shacab aad u tiro badan oo ka qayb qaadanayey soo dhaweynta waftiga, isagoona aad uga mahadceliyey sida sharafta leh oo ay u soo dhaweeyeen,

Waxaan aad ugu farax sanahay sida wanaagsan oo aad noo soo dhaweyseen, iyo ciyaaraha kala duwan oo aad soo bandhigteen sida Shiribka, Beereyda, Kabeebeyda, iyo Dhaantada, Waxaana halkaan iiga muuqda sida reer jowhar diyaar ugu yihiin dawladnimada, waxaana naga go’an inaad heshaan cadaalad, iyo sinaan taas oo ah siyaasadda dawladda lagu dhisay, qaybaha kala duwan ee bulshada oo maanta ka hadlay goobtaan waxay noo muujiyeen dareenkooda iyo dowlada jacaylkooda, taas ayaan sabab u ah inaan booqanay gobolo badan oo ka tirsan dalka si aan u qiimayno rabitaanka dadka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka kale u sheegay dadka reer Jowhar in dawladdu wax weyn kala qaban doonto soo jeedintooda oo ay ku sheegeen suugaanta.

“Waxaan diyaar u nahay wax kasta oo ay dowladu idiin qaban karto in aan dadajino, wixii aad ka tabateen maamulka hada jira oo caddaalad daro ah, dawladdu si aan leex leexad lahayn ayeey wax uga qabanaysaa, maalintii la xoreeyey gobolka ilaa maanta markasta dawladdu waxay u soo diraysay wafti la socda xaalada gobolka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu isagoona dhanka kale xusay in gobolka shabeelada dhexe ay dawladdu dadaal u gali doonto sidii wax looga qaban lahaa dhanka horumarka.

Ugu danabayntii Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa ayaa casho sharaf loogu sameeyey Warshadii Dharka ee Balcad oo noqotay warshada kaliya ee ka bad baaday burburkii soo maray kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, wuxuuna Ra’iisul wasaaruhu ku aamanay reer Balcad inay yihiin dada wadaniyiin ah dawladuna ay siin doonto abaal gud

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director, office of the PM

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com