Kismaayo Ma Dawladda Soomaaliya Ayaa Maamusha Mise Maamulka Axmed Madoobe?

0

kismaayo2Khilaafka ka taagan Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose waxa uu yahay mid wajiyo kala duwan loo yeelayo waxaana dadka ay ku jahwareersan yihiin cida maamusha Kismaayo ma Dawlada Somaliya mise Maamulka Axmed Madoobe?

Maamul usameynta gobollada Jubbooyinka oo hadda la isku hayo waxaa ka horeeyey waqtigii Shabaabku ay meesha ka baxayeen waxaa ka jiray sad bursi loogu jiray cida meelaha muhiimka ah kismaayo maamuleysa.

Axmed Madoobe waqtigii uu ku jiray Ururkii Xisbul islaam waxa dagaal ka dhashay maamulka Kismaayo uu dhexmaray Kooxda Al shabaab isagoo dagaal halgan dheer ahaa usoo galay qabsashada Kismaayo waana uu ku guuleystay inuu la wareego magaalo xeebeedka Kismaayo bishii October 2012-kii.

Waxa hadda kismaayo Dekadeeda maamula ciidamada Dawlada Kenya waxaana maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe ay ku dadaalayaan maamul aan kumeel gaar ahayn si dhaqaalaha ay iyaga dhamaanba ula wareegaan magaaladaasi kasoo xarooda.

Maamul usameynta Jubbaland waxaa isku khilaafay Xukuumada Somaliya iyo Axmed Madoobe iyo Xulufadiisa,warar xalay maqribkii soo baxay waxay sheegayeen in xoogaa is faham uu ka dhex jiray wafdigii xukuumada iyo maamulka Axmed Madoobe hayeeshee warar fiidkii soo baxay ayaa hadana waxay sheegeen inay haddana la is fahmi waayey.

Axmed Madoobe waxa taageero uu ka helayaa Dawalda Kenya iyo Urur gobolleedka IGAD iyadoona ay doonayaan maqaar saar inay ka dhigtaan si ay dhaqaalahana iyaguna uhelaan.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha C/kiriin Xuseen Guuleed oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo waxa uu si maldahan usheegay inuu khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo Maamulka Kmg ee Axmed Madoobe natiijada ugu dambeysana ay dhawaan soo gudbin doonaan.

Axmed Madoobe waxa uu diiday in Xukuumada Somaliya la wareegto maamulka Dekada magaalada Kismaayo si dhaqaalaheeda dawladda ay umaamusho waase laga diiday dawladda Soomaaliya.

Khilaafkaan waxaa ka dambeeya laguna eedeynayaa madax katirsan IGAD iyo Dawladda Kenya waxaana Axmed Madoobe,Professor Maxamed Cabdi Gaandi iyo Ismaaciil Saxardiid oo kasoo wada jeeda hal beel ay kasoo horjeesteen go’aanka iyo mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka wado gobolada Jubbooyinka.

Hadaba Akhriste Maxaa kuu baxay markaad warbixintaan iyo saameynteeda,Yaase Kismaayo Maamula Ma Dowladda Soomaaliya mise maamulka Axmed Madoobe iyo kooxdiisa?

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com