Maleeshiyaadka Al Shabaab iyo Raaskanbooni Oo Guulo Ka Kala Sheegtay Dagaal Ka Dhacay Degmada Afmadow.

0

MuscabAfmadow (AGGM): Horjoogayaasha maleeshiyada Raaskanbooni iyo horjoogayaasha maleeshiyada Al-shabaab ee gobollka Jubbada hoose ayaa siyaabo kala duwan uga hadllay dagaal culus oo ka dhacay degmada Afgooye ee xarunta gobollka Jubbada hoose.

Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan maleeshiyada Al Shabaab C/siis Abuu-muscab ayaa sheegay in xoogagooda u suurtagashay in ay gudaha u galaan degmada Afmadow, kadib dagaal culus oo ay la galeen ciidamada Raaskanbooni ee gacanta ku haya degmada.

‘’Dagaal culus oo ka bilaawday meel dulleedka ka ah degmada, waxaa ugu suurtagashay in ay gudaha u galleon degmada, waana ka gaarnay dantii aynu ku laheyn dagaallka, xoogageena si iskood ah ayeey uga soo baxeen,’’ ayuu yiri C/siis Abuu-muscab.

Laakiin warkaasi waxaa beeniyay afhayeenka maamulka Jubbooyinka ee afhayeenka maleeeshiyada Raaskanbooni C/naasir Seeraar oo sheegay in aysan jirin wax saldhigyo ah oo ay qabsadeen Al-shabaab.

‘’Waa jirtaa in ay gudaha u galeen degmada Afmadow oo waqtigaa cidlo aheyd, laakiin markii danbe ciidamada ayaa ka saaray jab weynna waa ay u geysteen, mana jiraan saldhigyo ay qabsadee,’’ ayuu yiri C/naasir Seeraar.

Dagaalka ka dhacay degmada Afmadow ayaa la sheegay qiyaastii in ay ku dhigteen 10 ruux oo ka kala tirsan dhinacyadii iska horyimid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com