20 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Baarlamanaka Soomaaliya Oo Gaaray Magaalada Jowhar.

0

xildhibaanoJowhar (AGGM): Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaarey Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaasi oo la filayo in ay kulamo kula qaataan waxgaradka iyo dadka deegaanka.

Xildhibaanadaan ayaa safar dhinaca dhulka ah kaga ambabaxay Muqdisho iyagoona tiro ahaan lagu qiyaasay illaa iyo 20 xildhibaan oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Shabeelaha dhexe.

Xildhibaanada ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Jowhar waxaana dad weyne aad u fara badan ay ugu hortageen, deegaanka Congo oo qiyaasti 7-KM u jirta Magaalada Jowhar.

Mudada ay joogi doonaan Magaalada Jowhar ayaa waxa ay u kuur gali donaan xaalada Amaan, Nolol, iyo tan maamul ee Gobolka iyagoona kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada.

Muddooyinkii ugu danbeesay ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay wadeen socdaalo ay ku kala tagayaan deegaanada ay kasoo kala jeedaan, si ay dadka deegaanadaasi ugu keenaan kalsooni dhinaca dowlada ah, isla markaana u kuur galaan xaalada deegaanadaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com